Shabaabka oo Masuuliyiin dawlada ka tirsan ku laayay weerarkii ay shalay ku qaadeen Masaajid ku dhexyaal Villa Soomaaliya
Muqdisho Feb 22,2014(SDN)-Weerar shalay ay Shabaabku ku qaadeen Masajid ku dhexyaala Villa Soomaaliya xili la tukunayay salaadii Jimcaha ayaa waxa ku geeriyoodey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada dalka Soomaaliya.
Weerarkan Shabaabku ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ku dhintay 14 ruux inta la shaaciyay sidoo kalena waxa ku dhaawacmay tiro kale.
Dadka ku dhintay weerarka wuxushnimada ahaa waxa ka mida Agaasimihii xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamuud Xirsi Cabdulle Indhocase iyo Ku-xigeenkii Agaasimaha Hay’ada amniga Qaranka Gen Nuur Shirboow.
Ciidamada Amanaaka Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa sagaal ka mida ciidamada Shabaabka oo ismiidaamiyay ay soo weerareen Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Qaranka Md Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhamaan meliishadii soo weerartay Madaxtooyada laga dhigay wax la laayay iyo wax la qabtay.
Kooxda Al Shabaab oo Muqdisho ka baxay ayaa todobaadyadii u danbeeyay Muqdisho ka waday weeraro ka dhan ah amniga.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com