Shabaabka oo laga qabtay laba Sarkaal oo fuliyay qaraxyo ay ku dileen taliye xigeenkii AMISOM
Qoryeeley April 01,2014(SDN)-Cidamada nabad sugida Soomaaliya oo dhawaan weeraray degmeda Qoryooleey ayaa rag ay qabqabteen waxa ka mid ahaa saraakiil hore u fuliyay qaraxyo ay ku dhinteen madax ka mida AMISOM.
Dawlada Soomaaliya ayaa soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen in ay ka mid yihiin meliishaadka Al Shabaab oo loo yaqaano Amniyat oo fuliya qaraxyada,dilalka ay Soomaaliya ka fuliyaan.
Dawlada Soomaaliya Ayaan shaacin magacyada labada sarkaal ee ay soo bandhigeen waxase ay sheegeen in mid ka mida uu lahaa masuuliyada qarax lagu dilay taliye xigeenkii AMISOM sanadii 2009kii.
Qaraxaas oo ay ku dhinteen 21 ruux oo 17 ka mid ahi ay ahaayeen ciidamada AMISOM ayaa waxa uu ka dhacay xero ay ciidamada Africa ku leeyihiin Muqdisho.
Hawlgalka lagu soo qabtay saraakiishan Shabaabka ka tirsan ayaa waxa fuliyay ciidamo dawlada ka amar qaata oo Mareykanku tababaray oo la yiraahdo Gashaan.
SDN-Qoryooleey