|

Shabaabka oo toogtay Haweeney diiday in ay xirato Xijaab

Husungow July 31,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al shabaab ayaa meeliishaadkoodu haweeney toogteen ka dib kolkii ay ka dhaga adeygtay amar ay ku fareen in ku xirato xijaab.

Magaalada Husungow ee koonfurta shishe ee Soomaaliya ayaa la sheegay in haweeneydani ku nooleed.

Afhayeen u hadlay meliishaadka Al Shabaab ayaa sheegay in aaney dilkaa ka danbeyn ciidamadoodu isla markaana aaney degaankaasi ka arimin.

Qoyska Haweeneydan oo la oran jira Ruqiyo Faarax Yaroow ayaa saxaafada u sheegay in laba xabadood lagu dhuftay isla goobtiina ay ku qur baxday.

Shabaabka oo inta badan sheegta dilalka nooca ay doonaanba ha ahaadeene ayaa u muuqda in ay dilka haweeneydan iska fogeynayaan.

SDN/QJ Husungow

contact@qurbejoog.com

Comments are closed