|

Shabaabka oo gamta u joogsaday saraakiisha sirdoonka DFKMG

Muqdisho Mar 29,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan kordhisay ugaadhsi ay ku heyso saraakiisha Sirdoonka NSSta loo yaqaano ee ka hawlgala dalka.

Waxa Shabaabku khaarijis ku dileen labo ka mid ah saraakiisha sirdoonka DFKMG ah ee Soomaaliya.

Maxamuud Weheliye iyo sarkaal kale oo magiciisa lagu soo koobay Yasin aya shabaabku maalmihii u danbeeyay ku dileen Muqdisho.

Halka qarax dhawaan ka dhacay Baladweyne oo lala beegsaday ciidamada dawlada iyo kuwa Itoobiyaa ayaa waxa ku qudh baxay labo ka mid ah saraakiisha sare ee NSSta.

Shabaabka ayaa isu geyn dilay ilaa 15 sarkaal oo ka tirsan sirdoonka dawlada,sidaana waxa saxaafada u sheegay madaxa hawlgalada Shabaabka ee Muqdisho Sheekh Maxamed Abu Cabdiraxmaan.

Shabaabka ayaa u muuqda qaar hawlgaladoodii dib ugu celiyay ku dhufo oo ka dhaqaaq.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed