Shabaabka oo Dumarka Khasab ugu Guurin Jiray Dagaalyahanadooda
Muqdisho June 22,2013(SDN)-Qaar ka mida qoysaska Soomaaliyeed ee ku soo noqonaya degaanadii ay hore gacanta ugu hayeen dagaalyahanada Shabaabka ayaa markii u horeysay si xor ah uga waramaya tacadiyo halkaa ay Shabaabku ka geysteen.
Aabo la yidhaahdo Liban Axmed ayaa Shebekeda Sabahi uga waramay in Shabaabku isku dayeen in ay xoog ugu guuriyaan mid ka mida gabdho uu dhalay oo aad u da’a yareyd.
“Waxa aqalka noogu yimi dagaal yahan ka mida Shabaabka oo Qori sita,waxaanu noo sheegay in uu doonayo in uu guursado Gabadh yar oo aan dhalay oo 16 aheyd,oo Samsam la yiraahdo,kolkaan Samsam weydiiyay in ay ninka garaneyso ama ay guur dooneysana waxa uu ay tiri Maya”ayuu yiri Libaan.
“Ka dibna shabaabku waa ay i xireen ilaa intii aan ka ogolaaday in aan gabadha u dhixo ninkii Shababaka ahaa,ka dibna waxay dantu igu khasabtay in aan sadex gabdhood oo aan dhalay iyo hooyadoo u raro Ugaanda”ayuu yiri Libaan Axmed.
Libaan Axmed ayaa ku jiray xabsi ay Shabaabku leeyihiin oo ku yaal xeryaha Ceelasha Biyaha oo ay degenaayeen Qaxooti Muqdisho isaga soo yaacay mudo lix bilood ah.
Sacdiyo Mumin oo 55 jir ah oo ku nool Muqdisho ayaa iyana Shabaabku laba hablood oo ay dhashay Shabaabku damceen in ay khasab ku guursadaan waxxeyse u dirtay Itoobiya oo ay qaraabadoodu ku nooleyd.
“Waa ilaahay mahadii in Shabaab naga dul qaaday oo uu hableheeniina noo badbaadiyay,Haatan kama cabsaneyno Shabaab oo gabdhaheen xoog ku guursada sababta oo ah waa ay kala daateen:ayay tiri Hooyo Sacdiyo Mumin.
Shamso Cali oo 26 jir ah oo ku nooleyd Daynile ayaa hore u aheyd xaas uu xoog ku qabay mid ka mid ah dagaal yahanada Shabaabka oo mudo ka dibna dagaal ku dhintay.
“Markaan ninkan guursanayay ayuu ii sheegay in aabahay i weydiisanayo oo haduu diidana uu aabahay iyo anigaba na dili doono,hadaan baxsado ama diidana waxaan ka baqay in aabahay la dilo”ayay tiri Shamso
“Waa ilaahay mahadii in ay dhamaadeen maalmihii madoobaa ee aan la wadaagay ruux aanan jecleyn isla markaana aanan u dhalin wax Caruur ah”ayay tiri Shamso Cali.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida gollaha culimada Soomaaliyeed ayaa u sheegay Sabahi in guurka nuucan ah aanu waafaqsaneyn shareecad Islamka.
“Shaabku waxa ay shareecada u isticmaaleen guurkan guracan intii ka danbeysay 2007dii,waxaaney ku bar tilmaansadeen qoysaska saboolka ah ee la tacaalaya dhibaatoooyinka ka dhashay burburkii dalka”ayuu yiri sheekhu
Waxaaney Dumarka u sheegeen in aaney diidi karin in ay guursadaan mujahid u dagaalamaya in uu difaaco diinta iyo dalka,dumarka iyo qoysaska diidanan waxa ay muteysan jireen ciqaab saaid ah”ayuu raaciyay sheekhu
“Guurka noocan ahi ma waafaqsana shuruucda Islaamka,waxbana kama duwana kufsi,salna kuma laha Diinta Islamka”ayuu Sheekh Gurxan hadalkiisii ku soo gunaanaday.
Qoysaskii ubadkoooda kala baxsaday Shabaabka ayaa haatan lagu arkayaa iyaga oo dib ugu soo noqonaya degaanadii ay hore uga hayaameen.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com