|

Shabaabka oo dib ugu soo qulqulaya Kismaayo

Kismaayo Sept 19,2012(SDN)-Ciidamada kooxda Al Shabaab oo maalmihii u danbeeysay ka dareeray guddaha magaalada Kismaayo ayaa ilaa maanta la arkayay iyaga oo dib ugu soo qulqulaya gudaha magaalada.

Shabaabka ayaa u muuqda in ay qaateen gooan ah in magaalada ay ku dhex dagaalamaan,halka hore ay ugu muuqdeen in ay isaga baxayaan.

Waxa guddaha magaalada lagu arkayay saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan oo khudbado kajeedinaya goobo ay shacabku ku urursanaayeen.

Waxa kale oo dib uga soo muuqday warbaahinta qaar ka mida madaxda Shabaabka oo ku hanjabaya in ay Kismaayo ku dagaalami doonaan difaacina doonaan.

Macada sababta ka danbeysa goaankan ay Shaabku qaateen ee dib ugu soo celiyay Kismaayo iyaga oo ka faro badan sidii hore.

Mana cada sida ciidamada duulaanka ku ah Kismaayo ay arinkan u wejihi doonaan,iyo waxa Shacabka magaalada ku hadhay ay yeeli doonaan.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed