Shabaabka oo dafiray in Haweeney hogaamineysay weerarkii Westgate
Nairobi Sept 25,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa ganafka ku dhufatay in haween ka qeyb galeen hawlgalkii ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa shaaciyay in haweeney u dhalatay dalka Britain oo la yidhaahdo Samantha Lewthwaite ay hogaamineysay weerarka isla markaana ay ka mid aheyd dadkii u horeeyay ee la dilay.
Kooxda Al Shabaab ayaa fariin ay ku shaacisay barta Internetka ee Twitter waxa ay ku beenisay sheegashadaasi.
“Waxaanu si aan ka waabasho leheyn aanu u beenineynaa in aanu Haween ka qeyb qaateen weerarkii Westgate ay mujaahidiintu ku qaadeen,waxaanu leenahay rag faro badan oo diyaar u ah Jihaadka umana isticmaalno gabdhaha walaaleheena dagaalka”ayaa lagu yiri qoraalka Shabaabka.
Booliska Kiinya iyo kuwa Britain ayaa baadi goobaya haweeneyda Samantha Lewthwaite oo la aaminsan yahay in ay ku sugan tahay geeska Africa.
Weerarka ayaa waxa ilaa iyo haatan la shaaciyay in ilaa lix ruux oo u dhashay dalka Britain.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com