Shabaabka oo aargoosi u laayay 30 ruux oo Kenyan ah
Garisa Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen degmooyin ku yaal xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan ku dilay tiro dad ah oo shacab ahaa.
Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa saxaafada in taageereyaasha kooxda Al Shabaab ee ku nool degaanada xadku shalay laayeen 30 ruux oo reer Kenya ah.
Kooxda Al Shabaab ee dhawaanta ku biirtay Al Qaacida ayaa dagaalo faraha looga gubtay la galay ciidamada Kenya ee duulaanka ku qaaday degaanadii koonfurta Soomaaliya ee ay gacanta ku hayeen.
Ciidamada Kenya ayaa dhawaan dawladoodu fartay in ay kordhiyaan kormeerkooda degaanada xadka ku yaal ka dib kolkeey heleen xog la xidhiidha weeraro ay Shabaabku qorsheynayaan.
Ciidamada Kenya ee faro gelinta ku sameeyay dalka Soomaaliya ayaan ilaa haatn wax guulo ah ka soo hoyn dagaalada ay la galeen Shabaabka.
Qurbejoog-Gaarisa
contact@somalidiasporanews.com