Shabaab oo xaqiijiyay dilka masuul sare
MUQDISHO (QJ) Al-Shabaab ayaa qirtay in sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Mire lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.
Mire, oo lagu yaqaanay inuu kaalin sare ka qaato hoggaanka Al-shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kuunyobarow ee gobolka Shabeellada Hoose, oo qiyaastii 257-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.
Maraykanka ayaa hogaamiyahan ku daray liiska argagixisada aadka loo raadiyo sanadka 2022.
Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanka uu fuliyay weerarkan, isagoo horay u beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah danaha Mareykanka.
Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili ay hoos u dhaceen howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.