Shabaab oo weeraray saldhig Boolis oo Garisa ku yaal,askerina dilay
Garisa feb 20,2012(qurbejoog.com)-Meelishaad ka tirsan ciidamada Shabaabka ayaa fiidnimadii xalay weeraray saldhig Booliis oo ku yaal duleedka magaalada Garrisa ee Woqooyi Bari Kenya,sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Booliska dalkaasi.
Shabaabka ayaa weerarka ay ku qaadeen saldhiga Booliska waxa ay ku dileen mid ka mid askartii halkaa ku sugneyd,waxaaney dhaawaceen mid kale.
Shabaabka ayaa saldhiga ka qaatay tiro qoryaha fudud ah oo ay dib ugula noqdeen guddaha Soomaaliya,sida saxaafada uu u sheegay sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la xuso.
Madaxa Booliska ee degaankaas Leo Nyongesa ayaa saxaafada u xaqiijiyay in weerarkaasi uu jiro,waxaanu sheegay in aan ilaa iyo haatan cidna loo qaban weerarka.
Shabaabka ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaadayay guddaha Kenya intii ka danbeysay faro gelinitii ciidan ee ay ku sameeyeen dhulka Shabaabku ka arimiyo.
Qurbejoog-Garisa
contact@somalidiasporanews.com