|

Shabaab Oo Ku Faantay Dilka Afar Qof Oo Kamid ahaa Shaqaalaha Waaxda Socdaalka Somalia

Muqdisho:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa libin ay gaadheen ka dhigtay dilka Afar qof oo kamid ahaa Shaqaalaha Waaxda Socdaalka  Dawladda Somalia, kuwaas oo shalay lagu laayey Isgoyska KM4.

fareXilli ay ka soo baxeen Garoonka Aadan Cadde, ayaa gaaDHigii ay la socdeen waxaa gaaDHi kale loogu horgooyay Isgoyska KM4, iyadoona rasaasta nool nool oodda looga qaaday.

Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxay baahisay in mintidiinta Al Shabaab ay weerar abaabulan ka fuliyeen Isgoyska KM4, ayna ku beegsadeen waxa ay ugu yeedhay cadowga.

Andalus waxay baahisay qoraal kooban oo laga soo saaray Xafiiska Warbaahinta ee Ururka Al Shabaab, iyadoo ay qoraalkaasi si rasmi ah ugu sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay xagjiriintu sii wadi doonaan beegsiga ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Federalka Somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed