|

Shabaab Oo Goob Fagaare ah Ku Toogatay Saddex Dhallinyaro ah oo uu Ku Jiro Wiil Uu Faroole Adeer u Ahaa

Barawe:05-March-2014(SDN)-Kooxda Alshabaab ayaa Goob fagaare ah oo ku Taalla Magaalada Barawe Xukun Toogasho ah ku Fuliyey Saddex dhallinyaro ah oo ay Basaasnimo ku Eedeeyeen.

fagaareDhallinyaradan la toogtay ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in ay Gacanta kula jireen Falal iyaga ka Dhan ah oo ay ku Basaasayeen, waxan ay Xuseen in baadhitaanno muddo qaatay lagu samaynayey.

Saddex Wii lee la Toogtay waxa ku Jira wiil uu Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole uu adeer u yahay, waxana Magacyadoodu kala Yihiin C/raxmaan C/ladiif Axmed 23 sano jir, Maxamed Geelle Cabdulle 29 sano jir iyo Axmed C/laahi Maxamed (Faroole) oo 47 sano jir ah kuwaas oo lagu toogtay meel ay soo buuxdhaafiyeen dad aad u tira badan.

C/raxmaan C/ladiif Axmed ayay Al-Shabaab ku sheegeen in ay kasoo qabteen magaalada Muqdisho isaga oo jaajuusaayay ciidan ka tirsan Shabaab oo qaraxyo magaalada ka dhigaayay.

Sidoo kale Maxamed Geelle Cabdulle ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu gacan ka siiyay ciidamada France  weerarkii ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose.

Sidoo kale Axmed C/laahi Maxamed (Faroole) oo adeer u yahay C/raxmaan Faroole ayaa laga soo qabtay Buuraleyda Galgala isaga oo la sheegay in uu ka shaqeenaayay dabar goynta ururka Al-Shabaab.

Dilka Dhallinyaradan ayaa naxdin iyo Argagax ku Riday Shacabka Reer Barawe, waxana Jira Kooxo kale oo haatan gacanta lagu Hayo oo laga Yaabo in dhawaan sidan oo kale loo Toogto.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed