|

Shabaab isku soo dhiibay dawlada

Kismaayo April 18, 2024(QJ) -Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhowr sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland kadib markii Al-Shabaab laga saaray deegaano hor leh oo gobolkaasi ka tirsan.

Wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsanaa deegaanka Buula-xaaji ay dhawaan isku soo dhiibeen ciidamada dowladda.

Saraakiishan ayaa waxaa ka mid ahaa Amiirka Buulo-xaaji, Madaxa Maaliyadda ee deegaankaasi, Taliyaha Nabadsugida iyo shaqsi kale oo qaabilsan qaadista Canshuuraha Al-Shabaab loo yaqaan Sakawaad.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maalmo ka hor Al-Shabaab ka saaray deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana hadda ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaankaasi.

Comments are closed