Sh. Shariif oo hadal-haynta Somaliland ku badan tahay, Shirkii London ka dib, waa maxay sababtu?
Hargeysa, 08, Mar 2012 (SDN)- Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliyaa Sheekh Shariif muddooyinkii u dambeeyay hadal-hayntiisu ku badan tahay Somaliland, iyada oo aan hore looga baran inuu soo hadal qaado arrimaha Somaliland.
Intii ka dambaysay Shirkii London Shariif wuxuu warbaahinta kaga hadlay wada hadal ay dawladdiisu la galayso Somaliland, isla markaana waxa uu dhawaan ku dhawaaqay aqoonsi uu sheegay inuu siiyay dhawaaq dhawaan ka soo baxay qaar ka mid beelaha Dhulbahante oo sheegay inay maamul samaystee, taasoo u muuqata inuu dagaal dadban la galay qaddiyada iyo gooni-isu taaga Somaliland.
Madaxweyne Shariif ayaa maanta ku dhawaaqay inuu magacaabay guddi wada hadal samayn doonta Somaliland, isaga oo aan shaacin qaabka wada hadalkaasi u dhacayo ama suurtogalka u yahay.
Shirkii London oo Somaliland ay uga qaybgashay si la mid ah dawladaha caalamka ayaa waxa ka soo qodobo tilmaamaya in Somaliland wada hadal la gali doonto mustaqbalka Soomaaliya ayay Masuuliyiinta Somaliland ku macneeyeen in wada hadalkaasi u dhacay laba dawladood oo kala madaxbanaan sida uu u muuqdo qodobka ku jira natiijadii shirkii London.
Haddaba Sheekh Shariif ayaa muuqda inuu ka xumaaday qaabka Somaliland loogu qaabilay Shirkaas iyo qodobada sheegaya in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadal rasmi ah wada yeelan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee hadal-haynta Somaliland ee Sheekh Shariif oo Xukuumaddiisa uu waqti koobani u hadhay ayaa loo macnayn karaa ku xumayn in Somaliland ay noqoto dal caalamka ka mid ah, isla markaana wax la qaybsada dunida.
SDN, Hargeisa Somaliland
Said M. Askar