|

Sh Shariif: Baaris iyo ka Baarandeg ayaan wadnaa Daruufaha Keenay Goaanka Baarlamaanka

Muqdisho Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Sida lawada  ogyahay, waxaa maalmahan socday shirar iyo  kulamo ay wadeen xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah  kuwaasoo waday mooshin lid ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane  Shariif Sheekh Axmed, wuxuu  maalmahan ku mashquulsanaa kulamo xal loogu raadinayo  khilaafaadka kuwaas oo meel fiican soo gaaray.  Haddaba,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,  isagoo ka welwelsan deg degga  iyo  sida kediska ah  ee uu ku dhacay  Go’aanka  ay  xubno  ka  mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah soo saareen  shalay ee  ku saabsanaa Xil ka-qaadis Guddoomiyaha  Baarlamaanka , ayaa tibaaxay dareenka uu ka qabo tillaabada lama filaanka ah ee uu Baarlamaanku qaaday, wuxuuna yiri:  “ Ma  ahayn  dhacdo  cusub  laakiin  waqtiga  uu  ku  soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.”

Dalku wuxuu ku sugan yahay duruufo gaar ah sida la dagaallanka Al-Shabaab, Fulinta Qorshe-Howleedka (Roadmap) iyo Gaarsiinta gargaarka bino’aadnimo. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka iyo u kuurgalidda xaaladdan si waafaqsan sharciga, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqeynaa iney  joojiyaan sii wadidda khiliaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlahaBaarlamaanka  iyo ilaalinta sharciga”

Sidoo kale,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,  wuxuu  adkeeyay ixtiraamka iyo madaxbannaannida Baarlamaanka  wuxuuna  tilmaamay in  Dowladdu  ay ku dhisan tahay sharciga, sidaa daraadeed  tillaabo kasta oo la qaadayo waa iney waafaqsan tahay Axdiga KMG ah iyo shuruucda kale ee  dalka u degsan. “Waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in khilaafaadka la

iska ilaaliyo, xoogana la saaro fulinta Qorshe Howleedka (Roadmap) iyo howlaha culus oo na hor yaala” ayuu yiri Madaxweyne Sharif.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed