|

Sh.C/samad Xoday oo Booqday Machadka Al-Faaruuq Gaalkacyo

Gaalkacyo Aug 28,2015(SDN/QJ)-Sh.C/samad Xoday oo kamida Culimada Dalka UK kana mid ahaa Culimadii Dacwada usoo dhabar adaygtay ee Acmaasha Dacwigaa ka waday  Gobolka Mudug ayaa waxaa uu soo booqday Machadka Al-Faaruuq ee  Daraasaatka Islaamka iyo Luqada Carabiga Xaruntiisa Magaalada Gaalkacyo.

Shiikhu waxaa uu soo dhawayn kala kulmay Bahda Machadka isagoo la kulmay Maamulka Machadka Macalimiinta iyo Ardayda waxaana uu Dardaarano Dhaxal gal ah usoo jeediyay Ardayda waxaana kamid ahaa Dardaaranada Shiikha.

1.Alle ka cabsi: oo ah Dardaaranka Alle uu u dardaarmay Anbiyada, Umadihii hore, Umada Nabi Muxamed , si gaar ahna Dadka iimaanka leh , Dadka wanwanaagsanna waa kuwa Alle ka cabsada marka la xusana ay gilgilato Quluubtoodu.

Alle ka cabsiga ayaa C/laahi Ibnu Mascuud alle haka raali noqdee waxaa uu ku fasiray inuu yahay Alle oo la rumeeyo oo aan lagu gaaloobin , in Alle la mahadiyo oo aan la dafirin , in Alle la xasuusto oo aan la hilmaamin, iyada oo Alle lagu aqoonsanayo ku fakaridda Aayaatkiisa kawniga ah (Cirka, Dhulka, Buuraha, Daruuraha , Habeenka, Maalinta ,
Roobka IWM) iyo kuwa Sharciga ah.

2.Raadinta Cilmiga Sharciga ah: iyadoo Muhiimada Ardaydu ay u yimaadeen Machadka ay tahay Barashada diinta hadana waxaa Muhiim ah in la is Dareensiiyo Sharafta Cilmiga iyo Ehelkiisu ay leeyihiin oo ah inay yihiin Dadka Dadka ugu Sareeyo maadaama Darajo la gaaro ay ugu wayntahay Nabinimo oo Alle uu Adoomadiisa siiyo hadana waxaa ku xiga
Culimada oo Dhaxalkii Nabiga qaatay.

3.Akhlaaqda Ahlu Cilmiga:   waa in Ardaygu uu ku sifaysnaadaan Sifaatka Ahlul Cilmiga ee Daganaanta , Dhaqanka Wanaagga , ku dhaqanka Cilmiga , waana in uu ka duwanaadaa Dadka Caamada ah , korkiisana laga arkaa in uu Ahlu Cilmi yahay, Cilmigana ay Sharaftiisa ilaaliyaan.

4.Dadaal iyo han sare:  Qofka walba meesha uu hiigsado ayuu gaarayaa waxaana looga baahanyahay Ardayda in ay han sare yeeshaan kuna fakaraan say unoqon lahaayeen Culimadii Islaamka ee waaweynayd oo kale sida Al-Imaaam Ash-shaafici Alle ha unaxariistee arintaasi ay ku bixiyaan Dadaal aad u xoogan.

Si kastaba ha ahaatee Booqashadaani ayaa waxaa ay ahayd mid Muhiim u ah Machadka Al-faaruuq iyo Ardaydiisaba waxaana ay ahayd mid aad looga faaidaystay mireheedana la rajaynayo in sha alaah.

Booqasho Booqasho1 Booqasho2 Booqasho3 Booqasho4
Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulahi
Gaalkacyo – Puntland – Somaliya

Comments are closed