”Khad Cagaaran Loogama Baahna Somaliland” Sh.Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Falkii Lagu Dhaawacay Saraakiil ka Tirsan Xisbiga Waddani,Baaqna u Diray Laamaha Amaanka DAAWO
Hargaysa 24. December 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sheekh Aadan Siiro),oo ka mid ah culima u’ddiinka Somaliland ayaa khudbaddiisii shaley ee jimcaha kaga hadley falkii foosha xumaa ee lagula kacay saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI,gaar ahaan jidh-dilkii loo geystey Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah xog-hayaha caddaaladda ee xisbiga WADDANI.
Sheekh Aadan Siiro sidoo kale waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay in dalka dagaalo sokeeye ay ka dhacaan,waxaana uu ka hadlay falkii lagu waxyeeleeyey laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga WADDANI.