|

Seychelles oo burcad badeedii u horeysay ku wareejineysa Somaliland

Hargeysa Mar 06,2012(SDN)-Dawlada Seychelles ayaa 19 ka mid ah Burcad badeeda dalkeeda ku xidhan u soo wareejineysa Somaliland.

Madaxweyneyaasha Seychelles iyo Somaliland James Michel iyo Axmed Siilaanyo ayaa intii lagu gudo jiray shirkii Somalida ee dhawaanta London lagu qabtay heshiis ku gaadhay in Burcada Soomaalida ee Seychelles ku xidhan in Somaliland lagu wareejiyo.

Sanadkii hore ayay aheyd kolkii ay Qaramada Midoobey ku bixisay 1.5 dollars si dib u habeyn loogu sameeyo xabsiyada Somaliland.

Waa markii u horeysay ee Somaliland la geeyo maxaabiis lagu helay danbi Burcad badeednimo.

Seychelles ayaa culeys weyn kala kulantay sidii ay ula tacaali leheyd Burcada dalkeeda ku xidhan oo tiradooda lagu sheegay in ay yihiin %20 maxaabiista dalkaasi.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed