Saymaha Ganacsi Ee Dhaxal Wareejinta Dekedda Berbera Iyo Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Xirsi Iyo Weftiga Dubai Port
Berbera, 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka dekedda Berbera ayaa shalay kulamo wada xaajood ah kula yeeshay magaaladda Berbera, wefti ka socday shirkadda dekedaha Dubai ee DP World iyo Enoc (Emirates National oil Company) oo watay diyaarad khaas ah oo gelinkii hore ee shalay timi Madaarka Berbera, isla shalayna dib ugu duushay Dubai, kadib markii ay dhamaysteen arrimihii ay u yimaadeen Somaliland.
Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaaladda Berbera, oo aanu ka soo xiganay illo lagu kalsoon yahay oo ku sugan halkaa, weftigaasi wuxuu ka koobnaa dhawr xubnood, kuwaasoo sadex ka mid ahi la sheegay inay ahaayeen Soomaali. Warku wuxuu intaa ku daray, in weftigaa uu hor kacayay nin lagu magacaabo, Al Hassani Haddi Al Hawi oo ay xoguhu tibaaxeen inuu yahay, maamulaha fulinta ee shirkad lagu magacaabo PNO oo ay 2006 iibsatay DP World, haatana ka mid ah shirkadaha ku hoos jira dallada DP World. Waxa kale oo ay xogahaasi tibaaxeen inuu wehelinayay sarkaal kale oo caddaan ahi.
Weftigan waxa kulamo kula yeeshay Berbera Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim, Maareeyaha Dekedda Berbera iyo xubno kale. Inkasta oo aanay jirin warar si toos ah uga soo baxay kulamadaa iyo qasdiga wada hadalka labada dhinac, haddana siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo kala duwan oo u dhuun dalloola hirdanka ganacsiga badda cas, waxay weftigani u socdeen arrimo la xidhiidha dekedda Berbera iyo haamaha shidaalka oo ay danaynayaan la wareegista maamulkooda, siday ugala hadli lahaayeen xukuumadda.
Xoguhu waxay intaa ku dareen, in talaabadani tahay mid uu ku hoos jiro barnaamij hoose oo uu gadh wadeenka ka yahay qof qoyska madaxtooyada ka mid ahi, kaasoo ah in DP World lagu wareejiyo dekedda Berbera iyo haamaha shidaalka, maamul ahaana laga hoos abuuro shirkad ay wadaag ku yihiin xubno ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan mid ka mid ah shirkadaha waawayn ee waddaniga ah iyo xubno loo aanaynayo dhinaca madaxtooyadda iyo DP World oo ay hoos timaado Jubayl Ali oo hore u maamuli jirtay dekedda Jabuuti, balse haatan iskula jira maxkamad, Jabuutina ay ka noqotay heshiiskii ay hore ula gashay.
Dhinaca Kambaniga Imaaraadka ka sokow waxa iyana, olole xoog leh ku jirta Shirkadda Ballore ee faransiiska ah oo wada hadalo heerar badan soo maray, welina aan dhamaan la leh Somaliland. Ballore lafteeda waxa ku hoos jira wasiiro iyo ganacsato waddani ah, isla markaana waxay xoguhu tibaaxeen, in qorshuhu yahay, in laga hoos abuuro kambani yar oo ay wada yeelan doonaan, Ballore iyo xubnahaasi oo maamula dekedda. golaha xukuumadda ayaa la tilmaamayaa inay ku kala jabsan yihiin, labadan shirkadood oo qaarba dhinac u ololaynayaan. Hase yeeshee waxa kala duwan siday wax u doonayaan iyo waxay qabanayaan. Xoguhu waxa kale oo ay tibaaxeen inay labadooduba ruqsadaha maamulka Dekedda Berbera ay ku doonayaan. Hase ahaatee ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay mashaariicdan iyo wixii la xidhiidha. Aragtida dadka deegaanka Berbera ee saymaha ganacsi ee wareejinta ayaa iyana ka duwan waxa socda. Hase yeeshee, falanqayn buuxda oo gebi ahaanba la xidhiidha mawduucan iyo cid kasta oo ku jirtaba kala soco Ogaal dhawaan.