“Saylici wuu idin illaabay Toddobadaas Sanno, laakiin wuxuu idin Xasuustay Maalinta uu Codka Doonayo,Rayaale Beeshiisa oo Cabanaysa ayuu Intuu dhinac u Tuuray Doorasho qabtay” Maxamed Nuur Caraale Duur DAAWO
Ceerigaabo 14.July 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Nuur Caraale Duur Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Isla markaana haatan ka Mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Ku Sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Mar uu Shalay la hadlayay Taageerayaasha Xisbigaasi ayaa dhaliil Xoogan u Jeediyey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici Isagoo Sidoo kale Quus ka Muujiyey in Doorasho ay dalka ka qabsoomayso gaar ahaan xiliga loo asteeyay.