|

Saylici Oo Shalay Ku Jarmaaday Xarunta Xisbiga Kulmiye Iyo Kulan Natiijo-xumaystay Oo Saacado Qaatay

Hargeysa:4-Nov-2013 (SDN)-Xaraaradda Kacsan ee Xisbiga Kulmiye ayaa haatan xalkeedu sii Fogaanayaa, waxana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) uu shalay ku jarmaaday xarunta Xisbiga Kulmiye si uu Guddoomiye Muuse uga Dhaadhicyo wax madaxtooyada Looga Arko tallaabo Sharci oo Guddida Qabanqaabada Shirweynuhu qaadeen.

kkkkMadaxweyne ku xigeenka  ayaa Beegsaday Xarunta, waxana uu Ragga ugu tunka weyn ee xisbiga oo halkaas ku jirey ka codsaday inay ka Noqdaan ku-talo-galkooda ah inay anshax mariyaan Kooxdii isku cumaamadday inay Aqal dhexdii isku doortaan.

Ma Jiro war rasmi oo laga soo saaray kulankaasi hase yeeshe sida ay sheegayaan warar Hoose oo shabakadda Qurbejoog  soo gaadhay  ayaa ahaa in Ujeeddada socdaalkiisu ahayd bedbaadinta Xubin Qurbe-joog ah oo Kamid ah Xubanah Socod baradka Ah ee Ku jira Guddida qaban-qabaada shirweynaha Xisbiga.

Abubakar Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiyaha Ay Xubnihii Shirka galay  u doorteen inuu shir guddoomiyo shirweynaha oo ah xubinta ishu hayso ayaa la sheegay in Madaxweyne Saylici ka dalbaday Hoggaanka Xisbiga In Laga Khafiifiyo Anshax Marinta la filayo inay tallaabo kaga qaadaan xubnahaas, oo xataa haddii Magacyaddooda laga tirtiro Liiska Guddida Qaban-qaabada, ay isaga (Abubakar) ka reebaan.

Codsiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa warku sheegay inay ku gacan saydheen Hoggaanka Xisbigu, iyaga oo ku dooday in aanay jirin sed bursiimo  ay   gaar   u siinayaan  ee uu la mid yahay uun xubnaha kale.

Qoddobka Xusida Mudan ee Guddoonka Xisbigu U Daliishadeen Diidmada Dalabka Saylici ayaa la sheegay inuu ahaa war Hor-joogaha Kooxda Is Dooratay uu siiyey Wargeyska Ogaal, Xilli Doorashadiisu aanay Xalaal ahayn, kaasi oo uu ku durayo Hoggaaanka Xisbiga, isla markaana uu Dibada U soo saarayo Xanta Jirta ee ah in Uu Xaglinayo Musharrax Gaar ah.

Gebo-gabadii Kulankan oo Ilaa Duhurnimadii Shalay Socotay ayaa la sheegay in Md. Cabdiraxmaan Hungo iyo Natiijo La’aan kala soo hulleelay xarunta KULMIYE.

Faro gelinta Fashilantay ee Madaxtooyadu Ergada ka tahay ayaa ku soo beegantay Maalin kadib Markii Madaxweyne Siilaanyo Go’aan ah Ka soo saaray Madax banaannida xisbiga iyo inaanay Xukuumaddiisu si dadban iyo si daallan toona u farogelin Karin Hawlaha xisbiga, gaar ahaanna Hoggaanka sare loo daba fadhiisto Qaban-qaabada iyo qabsoomida shirweynaha.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed