|

SAYIDKAN GACANTA DUUBANI BOOBE IYO XAASKIISA MA SARIIRTU U HOOS JIIFEY!

Salaanta Islaamka ka dib.

Dalkeenii iyo dadkeeni halka ay marayaan iyo sida xaalku hayey waxa uu qofkii caqli lihi ka dheehan karaa qoraalada ay qorayaan Boobe Yusuf oo xilkii wasiirnimo laga caydhiiyey, iyo Sayidka sawirkiisu gacanta duuban yahey ee dhanka dawlada dhufeyska ka soo galey. Sow arkimeysay in gabadh la isu soo fadhiistey oo ninkasta intuu Bakhaaro fadeexda furtey uu waalida fidhiqo ku miisayo. Hore ayaa loo yidhi ****** Isma Xukumi karaan*****

Sow arkimaysid in xalka keliya ee u banaan ninkii xilka waaya, inuu yahey inuu  fadeexda dalka dhigdhigo, sow arkimeysid in ninkii xilka qaranka haya isna uu xal moodey in hawlihii qaranka lagu lumiyo hebal u jawabaa iyo reer Hebel qanciya.!!!!!!!.

Ii soo qabo hadalkii sarabeebta ahaa ee uu Xaaji Cabdi Waraabe meel dhigey maalintii Golaha Guurtida Saleeban Gaal loo doortey.  Nin baa ku soo baxey reer ay joogtey gabadh u mehersaneyd oo aanu weli la wareegin. Casarkii ayuu ku soo baxey iyadii oo kambalka reerka joogta, mise hamuun uu qabey ayuu dhakada kaga dhacey, qeylo ayaa ayey afka gacanta galisey, hooyadeed oo joogtey meel aan sidaa uga durugsaneyn ayaa hangool la timid oo bugta ka saartey ninkii. Habeenkii markii la isu yimid ayuu ninkii reerka lahaa hadley, wuxuuna yidhi  ** Inanka mid baa seegtay, inantana mid baa seegtey sodohdana mid baa seegtey. Inanka mid baa seegtey oo waxey aheyd  mar hadii gabadhu tahey xaaskiisii oo xalaala waxey aheyd inuu sugo inta guri loo salaxayo. Inanteydana mid baa seegtey oo waxey aheyd in mar hadii ninku ninkeedii yahey iney goa uun la huwato oo ay qaylada joojiso. Sodohdana mid baa seegtey oo waxey aheyd mar hadii ninka inta luqun jibaadhey uu ninkeedii yahey iney  u kala baxdo oo aaney meesha ku ceeboobin**

Imika Boobe mid baa seegtey, Dawladana mid baa seegtey, Sayidna mid baa seegtey. Boobe mid baa seegtey oo waxey aheyd mar hadii xilkii laga qaadey, mar hadii dalkan iyo dadkani aaney awood u haynin qas danbe iyo qalalaase hor leh, mar hadii dadkan wax xukumayaa ay yihiin dadkii dalkan lahaa, Boobe waxaa seegtey inuu iska aamuso oo ceeebta Qaranka wixii uu arkeyna uu asturo wixii uu ku daranaya uu ka daayo!!!.

Dawlada Somaliland ee Ahmed Silaanyana mid baa seegtey oo waxey aheyd in dhaliilaha Boobe sheegayo wixii jirana ay  saxato wixii aan jirina aaney dhag jalaq u siin lakiin may aheyn iney ka shaqeyso in Boobe loo jawaabo.

Sayid  ninka la yidhaa mid weyn baa seegtey, hadiiba Ilaahey u qadarey inuu wax qoro waxaa u egayd inuu wax u dhigma ama la miisana waxa Boobe Yuusuf badka keeno, may aheyn inuu isagoo sheeganaya  Editor dhan oo wargeys inuu qalinka ceebayo. Waxaa ugu daran ee judhiiba Qoraalka Sayid naafada ka dhigaya waxa weeye markuu leeyahey ** Boobe Xaaskiisu sidaa may odhan iyo Boobe Xaaskiisii lamuu hadal** Waa Yaabe Boobe iyo Xaaskiisa ma sariirta ayuu ugu hoos jirey mise caruurtooda ayuu ka mid ahaa!!!!.

Gebgabadii waxaa fiican inaan la isu muuqan oo kuwii dhaanka loo direy aaney taladoodu ku soo ururin wax iska celin iyo sheeko Qaaxo. Dadka masaakiinta ah ee meesha ku nool si dacaada ha loogu shaqeeyo, ninkii xilka loo dhiibo iyo kii laga qaado midna yaanu noqon Guulwade ama Falaago.

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed