Sayga Qabay Gabadh Uu Usama Bin Laden Dhalay Oo Maraykanku Xabsi Daa’im ku Xukumay
New York:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Nin la sheegay inuu qabay haweenay uu dhalay Hoggaamiyihii ururka Al-qaacid usama Bin laden ayaa maxkamad ku taalla magaalada New york waxa ay ku xukuntay xabsi daa’im, kadib markii ay tilmaantay inay falal argagixiso ku heshay.
Sulaiman Abu Ghaith, oo ah 48-jir ayaa ah qofkii ugu sareeyay ee ka tirsan Alqaacida oo maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka tan iyo weerarkii 9/11.
Abu Ghaith oo u dhashay wadanka Kuwait ayaa sanadkii hore lagu soo qabtay wadanka Jordan waxaana loo soo gacan geliyay dowlada Maraykanka.
Bishii March ayaa maxkamad ku heshay Abu Ghaith dambi ah isku day dilka muwaadiniin Maraykan ah iyo taageerida ururka Al Qaacida.
Maxkamadii qaaday dacwada Abu Ghaith ayaa lagu soo bandhigay muuqaal filim ah oo uu ku hanjabayo inaanu dhamaad lahayn weerarada dayuuradaha ee lagu qaadayo dalka Maraykanka.
Hase yeeshee Abu Ghaith ayaa ku dooday in doorkiisu uu ahaa arrimo la xidhiidha diin uuna ku dhiirigelinayay dhammaan muslimiinta in ay ka dagaalamaan gardarada reer galbeedka.
Waxana uu qirtay Abu Ghaith in Bin Laden uu ka codsaday in uu noqdo afhayeenka ururka Al Qaacida habeenkii weerarkii 9/11.
Abu Ghaith, oo ah mid kamid ah dadka darajo sare ka soo qabtay Al Qaacida oo lagu maxkamadeeyo dalka Maraykanka ayaa ah seyga gabadha ugu weyn ee Osma Bin Laden ee Fatuma.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com