|

Saxiixayaasha dastuurka uu yeelanayo maamulka Gobolada dhexe oo isaga baxay madashii shirka

Cadaado June 04,2015(SDNN/QJ)-Magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb oo muddo ka badan 3-bilood ka socdo shir maamul loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka ayaa maanta lagu balan sanaa in magaaladaasi lagu ansixiyo dastuurka maamulkaasi.

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in odoyaashii lagu waday in ay Saxiixaan dastuurka maamulka Gobolada dhexe in ay isaga baxeen guud ahaanba goobtii loogu tala galay Ergada saxiixeyso dastuurka.

Qaar kamid ah oo aynu la xiriirnay ayaa noo sheegay in ay isaga baxeen kadib markii ay damceen in qodobo kamid ah dastuurka ay saxiiixi rabeen uu u cuntami waayey sidaa awgoodne ay odoyaashu isaga baxeen shirka.

Isku dayo lagu doonayo in dib loogu celiyo Xarunta lagu xareeyey ergadaani ayaa ka socdo Magaalada Cadaado iyadoona la sheegayo in ay arintaasi ay ku howlan yihiin xubno katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Cadaado ka furan ayaa tiro dhowr jeer ah odoyaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirkaasi ay sheegeen in fara galin toos ah ay dowladdu ku heyso xubnaha iyo guddiyada shirkaasi maamulkooda gacanta ku hayo.

Waxaana xusid mudan in shirkaasi uu iminka marayo Wajiga labaad oo lagu doonayo in lagu ansixiyo dastuurka maamulkaasi kadibne odoyaashu ay soo xulaan Xubnaha baarlamaanka si ugu dambeyn ay baarlamaankaasi u doortaan madaxweyne iyo madax weyne ku xigeenka maamulka gobolada dhexe.

SDN/QJ- Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed