|

Saxeexa Heshiiska Dhaxal Wareejinta Dekedda Berbera oo u dhexeeya Madaxtooyada iyo DP WORLD oo Dubai ka Bilaabmaya

Hargeysa, 16 April 2015 (SDN/QJ) -Iyadoo horeba ay u jireen wadahadalo la xidhiidha dekeda Berbera oo ay xukuumaddu la lahayd shirkado kala duwan, ayaa waxa haatan isa soo taraya warar sheegaya in madaxtooyadu heshiis la galayso shirkadda DPWORLD, isla markaana la filayo inay labada dhinac ku kulmaan Imaaraadka Carabta.

10446361_868299919910004_5568747339962185413_nSiday sheegeen warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, waxa lagu wadaa inay khamiista u duullaan Dubai wefti ka socda xukuumadda Somaliland, kaasoo uu hogaamin doono wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim, isla markaana ay ku wehelin doonaan wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi iyo wiilka uu sodoga u yahay madaxweynuhu Baashe Cawil, oo xogahani ay tibaaxeen inuu yahay buddhigaha hawsha loo socdo.

Wararka laga soo xigtay illahaasi waxay intaa raaciyeen, in hawsha ugu muhiimsan ee weftigu u tegayaa ay tahay saxeexa heshiis ay la gelayaan shirkada DPWORLD oo loogu wareejin doono dekedda Berbera, isla markaana waxa la sheegay inuu hore u jiray isfaham ay labada dhinac u gaadheen, oo la filayo inuu yahay ka uu daba socdo heshiiskan xoguhu tibaaxeen in saxeexiisa loo tegayo. Inkastoo xoguhu sidaa tibaaxeen, haddana ma jiraan warar dhinaca xukuumadda ka soo baxay oo arrintaa ku saabsani.

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi X.Cali Xasan iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Shalay galab  u Kicitimay Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai

Wasiirka Madaxtooyada Waxaa Safarkan ku wehelinayay Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud , Gadiidka iyo Guryeynta Mud, A/razaq Khaliif Axmed , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Mud. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoorxoor

Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa Ujeedada Socdaalkooda ku sheegay Sidii wada hadal iyo qiimayn ugu soo samayn lahaayeen shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera laguna magacaabo Dubai World,Sida aanu ka soo xiganay barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu xusay inay ku rajo weyn yihiin Sidii uu wada hadalkaasi ugu soo dhamaan lahaa is-afgarad iyo is-faham Taas oo noqon karta ayuu Yidhi mid albaabka u furta maalgashi caalami ah oo dalkeena lagu sameeyo.

Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu intaas ku daray in Guud ahaan dalku u baahan yahay inuu xidhiidh furfuran la yeesho dalalka jaarka iyo dunnida inteeda kaleba si loo helo maalgashiyo waaweeyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

Shirkadda DPWORLD ka sokow, waxa jiray shirkado kale sidda Bollore oo kaambayn ugu jirtay la wareegida dekedda Berbera. Dhinaca kale dareenka dadka guud ahaan ayaa muujinaya diidmo ka dhan ah wareejinta dekedda, isla markaana waxa hore uga dhacay Berbera banaanbaxyo lagu diidan yahay barnaamijkaa.

Comments are closed