Saxaafadda Dunida Oo Baahisay Muwaadin somaliyeed Oo Ku Dhintay Dagaalada Syria
Oslo:May,2014(SDN/QJ)-Wargeyska Dagbladet oo ka soo baxa dalka Norway, ayaa qoray in qof muslim ah oo ka tegay dalkoodu uu ku dhintay dagaalada ka socda dalka Syria
Wargeyska ayaa shaaciyey in Ninka la dilay uu ahaa Muwaadin Somali haysta dhalashadda Norwegian-ka balse ma uu shaacin magaciisa.
Hay’adda Ammaanka Qaranka Norway (PST) ayaa diiday inay wax faallo ah ka bixiso dhimashadda ugu dambeysa ee lagu sheegay in Muwaadin Somali-Norwegian lagu dilay dalka Syria.
Warar aan la xaqiijini waxay sheegayaan in tiro dhallinyarro Norwegians ah bilihii la soo dhaafay lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo lasheegay inay ka barbar-dagaalamayeen Kooxda Islaamiyiinta ee isku magacowda Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ‘’ISIL’’.
Mar sii horreysay 7 dhallinyarro Norwegian ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo la safnaa Jabhadda ISIL.
Dhinaca kale, aroornimaddii hore ee doraad waxay Saraakiil ka tirsan Hay’adda PST gacanta ku dhigeen 3 dhallinyarro oo ka timid magaalladda Oslo, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin falal argagixiso.
Saddexda nin oo wada haysta dhalashadda Norwegian ayaa kala ahaa Wiil Soomaali oo 29-jir oo ku dhashay Somalia iyo laba kale oo ka soo jeeda dalkii Yugoslavia, kuwaasi oo da’dooda lagu kala sheegay 24 jir iyo 27-jir.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com