|

“Saxaafada Madaxa Banaan Dimuqraadiyaday Qayb Ka Yihiin” Wasiirka Warfaafinta DAAWO

10489725_930951800289551_3845217077930322345_nHargaysa 13.March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md Maxamed Cilmi Aadan ayaa  tababar u soo xidhay suxufiyiin ka hawlgala Gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaasoo mudo 12 maalmood ah tababar ku qaadanayey xarunta wasaaradda warfaafinta. tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradaasi iyo Hay’ada BBC Media Action
Wasiirka oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu sheegay in saxaafadda dawlada looga baahan yahay in aanay iska nicin mucaaradka, laakiin cid kasta oo ku hadlaysa qaab waafaqsan qawaaniinta dalka codkooda la baahiyo, halka sidoo kalena uu wasiirku xusay in saxafada Madaxa banaan ay qayb ka tahay hanaanka dimuqraadiyadeed ee S/land qaadatay, lama huraana ay tahay in dawladu soo dhoweyso oo kobciso.

Comments are closed