Saxaafada iyo Somaliland
(Domain name-kaasi waa sumadii geelayaga)
Hordhac
Aqoon darada dadkeena ka haysata sharciga iyo sida aanay firkrad ba uga haysani waxay marar badan keentaa in: arday laga eryo dugsiga ka dibna cabashada loo gudbiyo madaxweynaha oo la yidhaah “madaxweyne inankii ayaa dugsigii laga soo eryay” ! . waa su’aale maxaa madaxweynaha ka quseeya arday dugsi laga eryay? miyaanu joogin macalin kii eryay oo aanay mudanayn in marka hore isaga lala kulmo oo la weydiiyo sababta eriga keentay ka dibna loo gudbo maamulaha dugsiga, agaasimaha guud, wasiir ku xigeenka , wasiirka wasaarada ….!!!
Waxaa kale oo in badan aynu aragnaa xisbi qaran oo khilaaf soo kala dhex galay hawl wadeenadiisa oo ay ka garnaqayaan cuqaal iyo beel daajiyayaal! Waxaa la yidhi waa xisbi qaran, waa xisbi dimuqraadiya, waa xisbi goleyaal kala duwan leh? … arimahaas iyo kuwo kale oo badani waxay muujinayaan dhibaatada ay dadkeena ku keentay markii xeerarkii geedka hoostiisa ee ay aqoonta u lahaayeen laga guuray kuwa dibeda laga keenay iyo dawladnimo (aanay barasho iyo daraaso) ku samayna la yidhi weydinkaa!…
Ku qabso ku qadi mayside
Xeerar kaa sida qaldan loo fahmay iyo madax dhaqameedka wakhtigan jooga oo u arka in halkaa shaqo ay nolol maalmeed kooda kala soo baxaan uga soo baxday ayaa keentay in maanta Hargeysa shaadhkaa aad gashan tahay lagugu qabsado ka dibna loo tago madax dhaqameedka aad ka soo jeedo oo la yidhaah ninkii hebel ayaanu shaadhkiisa ku haysanaa ee naga soo gar bixiya! Caaqilku odhan maayo: “maxay ma shaadkiisa?” ee wuxuu markiiba leeyahay waa arin wanaagsane balan inoo sameeya halkaana waxaa ka furmaya fadhiyo dhaadheer (oo dabcan si fiican loo barjeeyo) nuxurkooduna yahay : “ si ay xeegona xeego u noqoto ilkana u badbaadaan”…inanka wax inooga dhiiba!!!
Waxaa caaqil ka la gudboonayd, sharciga iyo caqligana ku haboonayd inuu yidhaah “ adeer orod oo intaad maxkamada qabato kiis ka furo aad ku soo ashkataynayso” …laakiin taasi waa shaqo ka tagis mid dhacaysana ma aha!!
Waa sumadii geelayaga!
Arimaha khilaafka dhaliya Somaliand waxaa ka mida saxaafada (website, journals, TV etc) oo waxaa dhacda in qof jooga Alaska (tusaale ahaan) ka iibsado (magac) shirkadaha caalamiga ah ee iibiya (domain name)-ka dibna uu dhiso website isagoo buuxinaya dhamaan Shuruudaha looga baahan yahay ee u yaala lahaanshaha website-ka. Intaa dib ayaa sidii aynu horeba u sheegnay waxaa dhacda in la yidhaah magacaa anagaa iska leh oo waa meeshii uu geelayagu daaqi jiray ama anigaaba laygu xudun xidhay magacaa!! …waa kooow….hada laga bilaabo magacaa lama isticmaali karo…haddii arinkaa loo hogaansami waayana dacwad baan ka furayaa xeer ilaalinta Soomaaliland sidoo kale Salaadiinta iyo cuqaashana waan war gelinayaa!!… waar anagaa wax aragnay.
Waa su’aale (domain names) caalamkan lagu kala iibsado ma saylada Hargeysa ayay yaalaan mise saylad caalami ah oo weliba (transparent) ah oo aanay dhici karin in laba qof magac isku mid ah iibsadaan ayaa laga iibsadaa? …Jawaabtu waa inay saylad caalami ah yaalan oon sida wanka ciida dhegta laga soo qabanayn Saylada Hargeysa!
Waxaan u soo joogay nin odey ah oo lahaa macdaar uu ugu magac daray “al-shabaab” maalinkii danbe waaba odeygii oo subax hore sallaan ku taagan oo rinji marinaya magacii!.. aw- axmed waa sidee saaka ? iyo waar inkaari ha ku dhacdee hawl iyo kharash bay na geliyeen isagoo nimamkaa wejiga duuban u jeeda!!
Hadaba shuruucda website-ka caalamku ma aha kuwa sidaa aw-axmed loo bedeli karo ama loo masaxi karo; mana aha kuwo caaqil iyo beel daajiye ka gar naqi karaan; sidoo kale ma aha kuwa xeer ilaalinta Soomaaliland dacwad ka furi karto (sharciga la jabiyay ee xeer ilaalintu difaacaysaa waa mid noocee ah?).. sidoo kale ma xeer ilaalinta Soomaaliand ayaa ka mas’uul ah (domain name registration) ka caalamka…
Domain Name Dispute
Waxaynu wada ogsoon nahay in haddii aad rabto inaad diiwaan gashato website ama fikrad aqooneed iyo mid ganacsiba inay leedahay shuruuc caalami ah oo la raaco, sidoo kale ay jiraan xafiisyo iyo ha’yado qaabilsan diiwaan gelintooda sida (Interanational Patent Co-operation) oo qaabilsan xalinta doodaha iyo muranka ka dhasha lahaanshaha “fikradaha” iyo World Intellectual Property Organisation (WIPO) oo qaabilsan xalinta khilaadka la xidhiidha domain names!
Somaliland waa wadan madax banaan oo ay waajib ku tahay inuu tixgeliyo shuruucda caalamiga ah ee aynu kor xusnay, xeer ilaalinta iyo goleyaasheeda kale ee shuruucda qaabilsanina ay yihiin kuwo la socda shuruucdaa iyo (their role and responsibilities),
Gunaanad
Waxaan ku soo af-meerayaa in aanay marna meeli uga banaanayn xeer ilaalinta Soomaaliland iyo cuqaasheeda qadiyadaha la xidhiidha (domain name & Patent registrations).
Sidoo kale cidna inaga maqli mayso sumadaasi (domain name) waa tii geelayaga oo igawalaan la isticmaali karin!
Macluumaad dheeraad ah fadlan booqo:
Interanational Patent Co-operation: (http://www.uspto.gov)
World Intellectual Property Organisation (WIPO) : (http://www.wipo.int/amc/en/domains/guide)
Tu San
Zeki Dool