|

Saxaafada Caalamka oo Sanad ka dib qiimeynaysa Xaalada Macluusha Soomaaliya,iyo sawiro naxdin leh oo mar kale muuqda

Doolo July 2012(SDN)-Saxaafada caalamka ayaa Soomaaliya ku qulqulaya isa markaana qiimeyn ku sameynaya sanad ka dib Soomaalida ka badbaaday macluushii ebid u xumeyd ee la soo derista geeska Africa.

July 20keedii sanadkii hore ayey aheyd kolkii ay Qaramada Midoobey ku dhawaaqday in Soomaaliya ay Macaluuli ka dilaacday.

Waxa la qiyaasaa in boqolaal kun oo Soomaali ahi ay macluushii sanadkii hore ku geeriyoodeen halka in ka badan ay ku ceyrowdey.

Xaalada haatan ee Soomaaliya ayaa leh saansaan ay macaluushu dib ugu soo noqon karto,sababo la xidhiidha roob yari iyo colaado isbiirsaday.

Hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala geeska Africa ayaa durba soo saraya baaqyo iyo digniino ay deeq bixiyeyaasha uga dalbanayaan in mucaawino lala soo gaaro Soomaalida.

Saxaafada Caalamka ayaa booqanayay maalmihii u danbeeyay xeryaha qaxootiga ee dalka gudihiisa ku yaal,waxaaney soo bandhigayeen sawiro muujinaya khatar ku soo fool leh barakacayaasha.

Soomaali badan oo kolkii heerkii macluusha ay hoos u dhacday dib ugu noqday degaanadii ay ka yimaadeen ayaa iminka dib u bilaabay in ay xeryaha ku noqdaan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed