|

SAWIRRO: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Fashilantay Inay Dayac-tirto Wadada Madaarka Hargeysa

Hargeysa ,25,5,2016(QJ/SDN) – Waddada wayn ee ka timaada madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal ayaa waxa sanadihii u danbeeyay ay ahayd mid dayac baahsani ka muuqdo, iyadoona aanay jirin illaa hadda cid wax ka qabatay dayaca ka muuqday waddadaasi oo ah mid muhiim u ah bilicda iyo dhaqaalaha magaalada.

Waddadani ayaa ah tan ugu muhiimsan caasimadda marka loo eego halka ay ku taallo iyo waxtarkeeda, wallow aanay helin waddadani muhiimadii ay lahayd.

Shacabka caasimadda ayaa iyagu si wayn uga qaybliyay dayactir la’aanta waddada madaarka iyadoona waddadani ay tahay mid marka ay wufuudda caalamiga ahi kasoo dagayso garoonka diyaaradaha ee Cigaal ay soo maraan, taasi oo ku tusinaysaa in waddadani ay tahay muraayaddii dalka.

Xukuumadda Siilaanyo iyo xukuumadihii kale ee ka horreeyay ayaa iyagu ku fashilmay in ay wax ka qabtaan dayaca ka muuqda waddani oo taariikh ahaan la sheego in markii ugu horreysay la dhisay in ka badan 40-sanno ka hor.

Dhanka kale, dowladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo iyadu masuul ka ah waddooyinka caasimadda Ayaan masuuliyadba iska saarin sidii ay wax uga qaban lahayd dayaca baahsan ee ka muuqda waddadani oo ah tan ugu muhiimsan caasimadda dalka isla markaana ah muraayaddii dalka.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, Maayar ku xigeenka Cabdicasii Caga-wayne iyo xildhibaanada kale ee kasoo jeeda degmada ay ku taallo wadadani ee Maxamuud Haybe ayaa iyagu ka indho qarsaday in ay wax ka qabtaan waddadani oo in ka badan 10-sanno la sheegi jiray in la dhisi doonno.

Waddada madaarka oo sida aad ka arki kartaanba sawirrada hoose waxa ka muuqda dayac baahsan kaasi oo sababaya in guud ahaanba ay wadadu meesha ka baxdo, inkastoo meelaha qaarkood ay baa’ba’dayba wadadani, waxaana kuu muuqanaya markaad ku lugaynayso wadadani godadka waawayn ee ku dhex yaalla iyo burburka xooggan ee roobabku ku sameeyeen, iyadoona guud ahaanba wadadu ay tahay mid dhulka la siman oo aan jooga dhulka waxba ka sarrayn.

Sidoo kale, waxa jira iyaguna ganacsato waawayn oo ku hor ganacsada waddadani kuwaasi oo dhismayaal waawayn oo casri ka hor dhistay, balse aan iyagu illaa hadda isku hawlin sidii ay waddadani u horumarin lahaayeen maadaama bilicda iyo horumarka ganacsi ay qayb ka tahay.

100_7127100_7130100_7131100_7132100_7133100_7135100_7136100_7147100_7139100_7145100_7154100_7159

Comments are closed