|

SAWIRRO: Roobab Dabeylo wata oo Khasaare Xooggan ka geystay Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Taleex, 13,5,2016 (QJ/SDN) – Roob dabaylo iyo Danab wata, ayaa Waxyeello xoog leh soo gaarsiiyey deegaanno kala duwan oo degmada Taleex ee gobolka Sool ka tirsan, taasoo dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba isugu jirta.

Roobkan oo habeenimadii xalay ahayd maasheegey degmada Taleex ayaa waxay baabi’iyeen 40-guri iyo tiro aan la hubin oo ah Sandaqadaha Ganacsiga iyo kuwa la dago isugu jira, sida uu HOL u xaqiijiyay Sheekh Taqile oo ka mid ah Culummada degmada Taleex.

Ugu yaraan Siddeed ruux ayaa ku dhaawacmay Roobabka wata Dabeylaha ee Xalay ku Dhuftay Taleex – sida uu HOL u sheegay Iimaan Cali Faarax oo goob caafimaad ku leh degmadaas, kuwaasoo laba ka mid ahi ay dhaawacyadoodu aad u culus yihiin, dhamaantoodna waxaa lagu daweynayaa magaaladaas.

Meelaha khasaaraha xoogga lihi gaadhey waxaa ka mid ah Dugsiga Hoose/Dhexe – Taleex oo ahaa mid gaboobay, Taawar kuwa is-gaadhsiinta ah oo Hawl-gab ahaa; kaasoo khasaare badan geystay markii ay dabayluhu ku dhufteen.

Sidoo kale, deegaanka lagu magacaabo Jir-isku-kuf oo qiyaastii 60-km W/galbeed kaga aaddan Taleex, wuxuu danab ku dilay Wiil dhallinyaro ah, halka xoolo kala duwanna uu halkaasi ku laayay, sida uu noo xaqiijiyey Iimaan Cali Faarax.

Degaannada Sarmaanyo, Kalcad iyo Xerta – ayaa khasaarayaal kala duwan laga soo sheegayaa, kuwaasoo u badan guryo dumay Inkastoo aan la sheegin wax khasaare bani’aadam ah oo ay geysteen.

Ugu dambeyn, ma jiraan illaa hadda wax gurmad ah oo Magaalada Taleex ku socda iyo mid gaarey toona, iyadoo sida ay Muujinayaan Muuqaalladda laga soo Tabinayo ay waddo kasta quban yihiin jiin-gado qaarkoodna ay gaareen deegaanno aad uga fog degmada Taleex.

2016513635987076242384848IMG-20160513-WA0035 2016513635987076346559922IMG-20160513-WA0010 2016513635987076409266367IMG-20160513-WA0003 2016513635987076471545454IMG-20160513-WA0031 2016513635987076539202039IMG-20160513-WA0012 2016513635987076626241185IMG-20160513-WA0004 2016513635987076910139993IMG-20160513-WA0017 2016513635987077226721949IMG-20160513-WA0034

Comments are closed