|

SAWIRRO: Magaalada Hargeysa Oo Si Wayn Looga Dareemayo Diyaar-garowga Xuska 18-May

Hargeysa,17,5,2016 (QJ/SDN) – Guud ahaan magaalooyinka Somaliland waxa si wayn looga diyaar garoobayaa xuska sannad guuradii 25’aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day 18-May sanadkii 1991kii.

Magaalooyinka waawayn ee Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama iyo Ceerigaaabo ayaana laga dareemayaa saxmadda diyaargarowga maalintan.

Magaalada caasimada ah ee Hargeysa oo iyadu ka mid ah meelaha barri sida wayn looga xusi doono,  waxaana suuqyada iyo waddooyinka lagu xidhay calanka astaanta u ah Somaliland, iyadoona goobaha ganacsigana lagu midabeeyay saddexda midab ee uu ka koobanyahay calankaasi.

Suuqa wayn ee magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah goobaha sida aadka ah aad ugu arkayso midabada uu calanka Somaliland ka koobanyahay ee; Casaanka, Akhtarka iyo Caddaanka. Iyadoona qiimaha calanku uu sare u kacay maalmihii ugu danbeeyay.

Caruurta iyo dhalinyarada ayaa iyagu suuqyada magaalada Hargeysa soo buux-dhaafiyay si ay uga iibsadaan calanka Somaliland, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa saxmad.

Ugu danbeyntii, Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday sanadkii 1991kii in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoona wixii intaas ka danbeeyay ay Somaliland ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni. Inkastoo aanay aqoonsi ka helin caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, muwaadiniinta Somaliland ayaa iyagu maalintan ku xusaya farxad iyo rayn-rayn, wallow ay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo iyagu kasoo horjeeday gooni isutaagga Somaliland.

100_7075100_7080100_7078100_7098100_7099100_7111100_7112100_7114100_7116100_7117100_7118100_7119100_7094100_7091100_7089100_7088100_7087100_7086

Comments are closed