SAWIRRO: Magaalada Hargeysa Oo Maanta Si Wayn Looga Ciiday
Hargeysa,6,7,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana sallaada ciida lagu tukaday masaajidka Jaamaca oo uu dadwaynaha ku tukanayay kala qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo sidoo kale garoonka kubada cagta ee Hargeysa.
Salaada ciida ee garoonka kubadda cagta waxaa isugu yimi tobanaan kun oo isugu jira ragg, dumar iyo carruur kuwaasoo aad isugu hambalyaynaayay munaasibadda ciida darteed.
Culimadda Somaliland ayaa dadka ugu baaqay inay inta aan la tukan ay iska bixiyaan ciddii ilowdey sakaatul fitriga, waxa kale ay Allaah uga mahad celiyeen dadwaynihii garoonka isugu yimi sida bisha barakaysan ee Ramadaan nabada ugu dhammeeyay.
Waddooyinka magaalada,goobaha lagu sheekaysto ayaa sallaada ciida kaddib la camiray, waxaana lagu arkayay dadwayne aad u faraxsan.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa munaasibadda ciida, shacabkiisa u diray dhambaal hambalyo ah wuxuuna illaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo sallaada.
Marka laga tago Hargaysa sidoo kale waxaa si isku mid ah looga wada ciidey dhammaan gobaladda Somaliland.