SAWIRRO: Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Gobolka Awdal Kula Ciiday Magaalada Boorama
Borama,6,7,2016 (QJ/SDN) -Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi ciro ayaa waxaa uu saaka hiirtii waabari gaadhay magaalada Borama ee gobalka awdal .
Gudoomiyaha oo xalay niskii danbe guureyn kaga baxay magaalada Hargeysa ayaa waxaaa uu salaadii ciida kula tukadey shacibka rer Borama ee ku tukanaaayey Masjud Jamacaha qadiimiga ah ee uu khadiibka ka yahay Sheekhul Beledka sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar.
Muddane Ciro gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo khudbad kooban masjidka ka yidhi ayaa waxaa uu ugu horeyn alleh ka baryey in acmaashii khairka badneed ee bisha ramadaan Alleh inaga aqblo.