SAWIRRO: Guddida Sahan-Barwaaqo Oo U Kuur gashay Xaaladda Abaareed Ee Deegaannada Hoos Yimaada Degmada Sallaxley
Hargeysa (QJ/SDN) — Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannadda Somaliland ayaa maraysa halkii ugu xumayd waxaana weli sii kordhaaya khasaaraha nafeed ee xoolaha iyo dadkaba, waxaana deegaanno ka tirsan galbeedka Somaliland wararkii u danbeeyay ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad toboneeyo ruux.
Deegaanada hoos taga degmada Sallaxley ayaa ka mid ah goobaha ay abaartu sida xun u saameysay, iyadoona xoolihii iyo dadkii ku noolaa deegaanada qaar ay le’deen saameynta xun ee abaartu ku yeelatay awgeed.
Inkastoo xooluhu ay yihiin kuwa ugu daran ee ay abaartu saamaynta ugu xun ku yeelatay taaasi oo sida aanu horayba kusoo sheegnay galaafatay kumanaan neef oo xoolo ah kuwaasi oo u baddan adhi, ayaa hadda waxa jira goob ay halmar ku wada bakhtiyeen adhi dadkii lahaa ay noogu sheegeen tiro dhan 600 oo neef taasi oo ka dhigan tiradii ugu badnayd oo halmar meel ku wada bakhtiday intii ay abaartu ka jirtay deegaannada.
Waxyaabaha ugu layaabka badan ee aanu aragnay intii aanu ku gudo jirnay safar ay gudida Sahan-barwaaqo ( gudida guud ee beel-waynta cidagale) ugu kuur-galaysay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannadaasi ayaa waxa ka mid ahaa in dadka iyo xoolaha ku wada nool halkaasi ay wada quutaan raashin adag oo la kar-kariyay taasi oo ku tusinaysay heerka ay abaartu gaadhsiisantahay maadama dadkii iyo xoolihii ay isku af noqdeen.
Dadka ku nool deegaannadani waxay noo sheegeen in waxa ugu daran ee ay hadda u baahanyihiin ay yihiin baad iyo biyo ama raashin iyo biyo kuwaasi oo baahi wayn u qaba, iyadoona dadka halkan ku nool ay saameyn xun ku yeelatay abaartu taasi oo aad ka dheehan karto duleedka dubka sare ee jidhkooda.
Cunto la’aan iyo biyo la’aan isku raacay dadka halkan ku nool ayaa ka dhigtay kuwo nafo darro ay soo waajahdo taasi oo sababi karta in ay nafahoodu khatar galaan maadaama aanay haysan wax ay sii quutaan.
Dhanka kale, waxa jira dadaalo badan oo loogu gurmanaayo dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay kuwaaasi oo lagu gaadhsiinaayo biyo iyo cunto ay cunaan , dedaaladaasi oo ay iska kaashanayaan xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha khayriga ah.
Halkan Hoose ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha degmada Sallaxley Shiine oo ka waramaya xaaladda abaarta
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro ka Hadlaaya Xaaladda Abaareed ee deegaannadaasi
Gudida Sahan Barwaaqo Oo Xaal wareysanaysa dadka abaaruhu saameeyeen ee magaalada TOON
Gudida Sahan Barwaaqo oo u kuur-galaysa xaaladda biyo la’aaneed ee magaalada TOON
Dameero harraadanOo Ku Dul Wareegaya Baraag Madhan, Magaalada Toon
Xoolo dhaqatada deegaanka Maydhiyaale oo la dhakafaarsan xaaladda abaarta
Sahan Barwaaqo oo xog-wareysanaysa xoolo dhaqatada abaartu saameysay ee Maydhiyaale
Sahan Barwaaqo oo u kuur-galasa xaaladda biyo la’aaneed ee deegaanka Hun-dulli
Sahan Barwaaqo Oo Xog-wareysanaysa DADKA magaalada Dhimbil-riyaale
Baraagaha biyaha magaalada Dhimbil-riyaale oo faaruq ah ama madhan
Xoolaha deegaanka Dhimbil-riyaale oo lagu quudiyo guyaha
Sawirrada Lix Boqol oo neef oo hal meel ku wada Bakhtiyay Banka Sallaxley.
Adhi socon kari waayay oo guriga ku hadhay gaajo awgeed/ Banka Sallaxley
Dadka Degaanka Aadan Abokor Oo Sahan Barwaaqo uga waramay xaaladdooda abaaareed
Dadka Deegaanka Kaam-tuug Oo ka ducaysanaya Abaarta iyo Sahan Barwaaqo oo la joogta
Sahan barwaaqo oo xog-wareysanaysa dadka deegaanka Laan-qayrta