Sawirro Gilgilay Quluubta Dadka Dunida Intooda Diir-naxda !
Nagasaki 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Joe O’Donnell waxa uu sawirkan qaaday isaga oo ku sugan Nagasaki, Sarkaalkan Millatariga ah ayaa loo diray Japan si uu xog ururin ugu sameeyo baaxadda ay leegtahay dhibaatadii uu gaystay qumbuladihii lagu dhuftay Japan.
Sarkaalkan ayaa joogay Japan toddoba bilood oo ka bilaab mayey September 1945-kii.
Wuxuu soo maray galbeedka Japan oo dadka dhintay, dadka dhaawaca ah, kuwa ku agoomoobay iyo dadka guri la’aantu haysataa tiro beeshay. Sawirro badan ayuu kasoo qaaday waxaana ugu saamayn badnaa sawirka labadan carruur ah ee mid dhabarka lagu sido.
qaraxii labaad ee Nagasaki ka dhacay 9 August, 1945 ayaa wuxuu galaaftay wiilkan yar reerkoodii, Wiilkan yar wuxuu sitaa walaashii oo ku dhimatay dhabarkiisa.
Sawir qaadaha oo ka warramaya siday ku kulmeen iyo dareenka wiilkan yar ayaa yidhi, “Wiilkan yari wuxuu dhabarka ku sitay walaashii oo dhimatay, wuu cagaagnaa (kabo la’aa), waxa uu ururinayey wejigiisa isagoo qarinaaya murugada iyo dhibaatada haysatay. Halkaas uu taaganyey ayaan sawirkan oo aanu ka war qabin aan kaga qaaday, waxaanu halkaa sii taagnaa ilaa 10 daqiiqo. Waxaa isla goobtii ugu yimid rag wejiga ku xidhan maro cad, waxay ka fureen qeydkii (xadhigii) uu ku siday maydka walaashii.
Raggii meydkii ayey qabteen lugaha iyo madaxa iyagoo ku tuuray dab holcaya. Wiilkii yaraa wuu sii taagnaa isagoon jidhkiisu wax dhaqdhaqaaq ah samayn, waxa uu sii daawanayey holaca iyo gubashada walaashii. Wuxuu qaniinsanaa dibintiisa hoose si uu xanuunka ugu qarsado qalbigiisa. Waxaa iigu dambaysay isagoo halkii uu ka yimid usii socda.”
Joe ayaa qaaday sawirkan oo kamid noqday kuwa ugu saamaynta badan dunida.
W/D: Mukhtaar Cabdi Biite