Sawirrada Lix Kamid ah Saraakiisha Booliska Baltimore Oo Loo Maxkamadaynayo Gacantii ay Ku Lahaayeen Wiilkii Madoobaa Ee Mr Gray
Baltimore:May,02,2015(SDN/QJ)-Lix Sarkaal oo katirsan Booliska gacantii ay ku lahaayeen Geerida Freddie Gray oo ahaa Wiil madaw oo dhawaan Goob saldhig ah ugu geeriyooday Dhaawacyo la sheegay in Boolisku gaadhsiiyeen.
Warkan oo si weyn loosoo dhaweeyey, ayaa waxa shaaca ka qaadday Xeer ilaalinta Magaalada Baltimore, waxana ay tilmaamtay in lixdaas Booliska ah si weyn loo baadhi doono Kaalintii ay ku lahaayeen Dhimashada wiilkaas.
Shir jaraa’id oo ay ka hadashay Marilyn Mosby xeer ilaaliyaha guud ee Baltimore ayay ku sheegtay in dhimashada 25kii madowga ahaa uu ahaa dil badheedh ah xadhigiisuna uu ahaa mid sharci darro ah.
Dadweyne badan oo dhagaysanayay shirka jaraa’id ayaa aad ugu riyaaqay waxaana wadooyinka magaalada Baltimore isugu soo baxay dadweyne faro badan oo qaarkood gawaadhida ay wateen hoonkooda ka shanqadhinayay waxayna taageereen go’aanka xeer ilaalinta gaadhay ee ah in sharciga la horgeynayo lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska magaalada Baltimore.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in baadhitaan kadib la ogaaday in Mr Gray uu dhintey dhaawcyo ka soo gaadhay jidhdil iyo xadhig ay ku sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada booliska magaalada Baltimore.
Duqa magaalada Baltimore Stephanie Rawlings Blake ayaa sheegay in shan ka mid ah sarakiisha loo haysto dacwadan xabsiga la dhigey isla markaana laga joojiyay shaqada,isagoo intaa raaciyay in aanay cidna ka sareyn sharciga.
Kadib aaskii Mr Gray ee Isniintii ayaa banaanbaxyo rabshado wata waxa ay ka dhaceen West Baltimore waxaana loo xidhxdhey dad gaadhaya labo boqol oo ruux iyadoo in ka badan boqol baabuur lagu gubay banaanbaxyada halka 15 dhismana la burburiyay.
Kumanaan ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay Baltimore kadib banaanbaxyada rabshadaha watay dhimashada Mr Gray oo ahaa nin dhalinyaro madow ah ayaa noqonaysa tii ugu dambeysay dalka Maraykanka iyadoo dhalinyaro madow ah ay hore ugu dhinteen gacanta ciidamada
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com