|

Sawirrada Labadii Qof Ee Fuliyey Qaraxyadii Hutel Central Oo La Helay

Muqdisho:Feb,23,2015(SDN/QJ)-Qaarkamid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Dawladda Taabacsan ayaa faafiyey Sawirrada labadii qof ee masuulka ka ahaa qaraxyadii ka dhacay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho.

luuloLabadan Qof oo horeba magacyadooda  loogu kala sheegay Luul Axmed Daahir oo kamid ahayd Shaqaalaha Hutelka iyo Ismaaciil Muuse Guuleed oo la sheegay inay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Somaliland, ayaa haatan sawirradooa la shaaciyey.

Wararka ku saabsan xidhiidhka labadaas qof ka dhexeeyey, ayaan sugynayn, waxana aan la xaqiijin wali inay is qabeen iyo inkale, iyadoo haatan la ogaaday inay si weyn u wada abaabuleen Qaraxaas oo mid waliba door muhiim ah ku lahaa.

Ficilkaasi lagu dhamaaday ayaa waxay muujineysaa in Alshabaab ay sirdoon ahaan uga horeyso dowladda Federaalka iyo hay’adaheeda ammaanka, dhinacyada diyaarinta iyo abaabulka iyo fulintaba, waxaana soo noqnoqday qaraxyada noocan oo kale ah iyadoo kuwii hore wax waaya-aragnimo ah lagu qaadan ama ka hortag ka muuqan hay’adaha dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hore u baadi goobyay ninkan lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Awdal, waxaana lagu haystaa inuu ahaa ninkii Boorsada Laptop-ka qarxaya ku jiray u dhiibay Wiilkii qaraxa ka sameeyay Hotel Maka Al-Mukarama bilooyin ka hor, waloow wiilkaasi qaraxa fuliyay oo ka yimid magaalada Burco ay DFS ku fulisay xukun toogasho ah, halka Ismaaciil Muuse lagu daba-jiray balse Al-Shabaab suuqa usoo galiyeen inuu u geeriyooday xanuunka Malaariyada oo ku dhacday, waxaana sawiradiisa lagu arkayo Kaamirada CCTV ee Hotelkii qaraxa bilooyin ka hor lagu sameeyay ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed