|

Sawirrada Iyo Magacyada Lix Nin Oo Looga Cabsi qabo Inay Nairobi Weerarro Ka Geystaan Oo Sirdoonka Kenya Soo Bandhigay

Nairobi:Jully,05,2015(SDN/QJ)-waaxaha sirdoonka waddanka Kenya, ayaa shaaciyey inay kooxaha Al-shabaab ku Hawllan yihiin qorsheyaal ay bishan barakaysan ee Ramadaan Weerarro kaga fulinayaan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

jihaSirdoonka Kenya, ayaa baahiyey lix nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab inay gudaha u soo galeen Magaalada Nairobi, si ay kaga gaystaan weerar abaabulan oo ay qorsheynayaan.

Warbixin uu soo saaray Sirdoonka Kenya, ayaa waxaa lagu soo bandhigay magacyada iyo sawirada ilaa lix nin, oo sida la sheegay ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli Sirdoonka Kenya ay sheegeen inay baxsad yihiin raggaasi.

Magacyadooda, ayaa waxa lagu kala sheegay Raama Mabawana Mabega, Salim Jamaal Mawangi (Jamalow), Mubaarak Abdi Huka, Ibrahim Magag, Abdalla Suleymaan Makhtuum, halka ninka ugu dambeeyana magaciisa lagu soo koobay Omar.

Warbixinta waxaa lagu sheegay weerarkan inay fulin lahaayen ilaa sagaal nin, balse saddex ka mid ah lagu dilay weerarkii, ay Shabaabku ku qaadeen Xerada Ciidanka Militariga Kenya ku lee yihiin Baure, oo dhacda duleedka Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta. Militariga Kenya waxay weerarkaasi ku dileen 11 ka mid ah dagaalama-yaasha Al Shabaab, oo laba ka midi ay caddaan ahayd. Weerarkan ayaa dhacay 14-kii bishii hore ee June.

Ragga la soo bandhigay, ayaa waxaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Kenya iyo Somaliya. Ibrahim Magag oo Somaliya u dhashay, ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Britain. Magag waxa uu si qarsoodi ah uga soo baxay dalka Britain, 26-kii bishii December ee sanadkii 2013-ka.

Warbixinta waxaa bulshada reer Kenya looga dalbaday inay soo sheegaan xubnahaasi, haddii ay goob uun ku arkaan, haddii ay halis ku yihiin nolosha dadka reer Kenya iyo weliba ammaanka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed