|

Sawirka Nin Lagu Tuhunsan Yahay Weerar Dhawaan Lagu Qaaday Magaalada Bankook Oo La Baahiyey

Bankook:Aug,19,2015(SDN/QJ)-Waaxda dambi-baadhista Waddanka  Thailand, ayaa aaminsan in nin lagu arkay kaamirada qarsoon oo labisnaa funaanad Hurdi ahi uu ahaa ruuxii ka dambeeyay qaraxii Maalintii dorraad ka dhacay badhtamaha magaalada Bangkok, gaar ahaan goob ku dhow macbadka Hindu.

jeecoMuuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa muujinaya ninkan dhalinyarada ah oo mar watay jaakad, kadibna dhigaya meel ka mid ah goobta macbadka, dabadeedna si deg deg ah goobta uga tagaya, isagoo aan jaakadii wadin.

Qaraxaas ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ka dhaca dalka Thailand, waxaana ku dhintay 20 ruux, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen

“Ninkan xidhan Funaanada huruud ma aha nin la tuhunsan yahay, balse waa ruuxii ka dambeeyay qaraxa”ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Jen. Prawut Thavornsiri.

Afhayeenka ayaa sheegay in loo baahan yahay in ninkan gacan lagu siiyo sidii ciidamada ammaanka gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, waxaana muuqaalkan laga sii daayay Telefishinka dowladda.

Weerarkii  dorraad ka dhacay magaalada Bangkok ayaa ahaa kii u horeeyay ee dalkaas ka dhaca, waxaana wali jirin cid sheegatay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed