Sawir Qaade Talyaani Ah Oo Soo Bandhigay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Adduunka Iyo Cuntooyinka Ay Jecel Yihiin:
London 28. March 2017 (SDN/QJ):- Boqorada Britain waxay jeceshahay Cunista Chocolate-ka, Madaxwayne Putin waxa uu jecelahay Cunista Ice-Cream-ka !
Marka la soo hadal qaado Cuntooyinka ay cunnaan Madaxda Dalalka Caalmku waxa qof walba ugu horrayn ku soo dhacaysa inay tahay Cuntadaasi cunto qaalli ah oo aad u tayo wanaagsan oo si gaar ah loogu Diyaariyay, balse ma aha sidaasi.
Sida lagu soo bandhigay Barta internet-ka ee Minutes 20, warbixin uu ka Diyaarayay Sawir qaadaha magaciisa la yidhaahdo Dan Panino oo u dhashay Dalka Italy, isla markaana aad ugu hawlan arrimaha la xidhiidha Cuntooyinka ay jecel yihiin Madaxda Calaamku ayaa waxa ka mid ah waxyaabaha uu soo bandhigay sawiro uu ugu magac daray “Power and Food” kuwaasi oo sawir ka bixinaya Cuntooyinka ay jecel yihiin Siyaasiyiinta Adduunku.
Waxaanu sheegay in Boqorada Dalka Britain ayaa jeceshahay Cunista Chocolate-ka halka uu ku sheegay Madaxwaynaha Dalka Ruushka ee Putin inuu jecel yahay Cunista Ice-Cream-ka, balse Haweenayda Ra’iisal Wasaaraha ka ah Dalka Germany ayaa waxa uu sheegay inay jeceshahay cuntada loo yaqaan Bratz-ka iyo sidoo kale Cabbage-ka, waxaanu xaqiijiyay in madax badan aan la ogaan Karin Cuntooyinka ay ka helaan amase ay jecel yihiin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu aad u jecel yahay Cunista Rickford-ka waxaanu arrintaa ku xaqiijiyay sida uu sheegay in uu sanadkii 2014kii markii uu xanuunsaday la ogaaday in cunista badan ee Rickford-ku ay sabab u tahay Caafimaad darradiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Cusub ee Dalka Maraykanka Donlad Trump uu aad u jecel yahay cunista Humberger-ka, waxaanay arrintaasi ku cadaatay sida uu sheegay xilligi uu socday ololaha Doorashada ee Dalkaasi Maraykanku, Madaxwayne Trump oo hore u ahaan jiray Ganacsade ayaa waxa uu aad u tagi jiray goobta wax laga cuno ee Macdonald xilliga uu shirarka shaqada leeyahay sida uu sheegay sawir Qaade Dan Panino.