Sawir Laga Qaaday Kacbada Barakaysan 63 Sano Ka Hor Oo Muujinaya Quruxda Iyo Haybadeeda!
Makah 02. March 2017 (SDN/QJ):- Waxa jira sawiro aad u muhiim ah oo muujinaya taariikho aad u badan iyo sidoo kalena waxa uu sawirka taariikhiga ahi ina tusinayaa is badalka ballaadhan ee ka socda Dunida guudkeeda.
Sawirkan Kacbada Barakaysan ayaa waxa la qaaday muddo 63 sano ka hor ah waxaana waqtigaasi ka talinayay Boqor Cabdilcasiis, Muxiyadiin Al-haashimi oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Xaramka ayaa sheegay in dhismaha Kacbada Barakaysan ee aynu haatan aragnaa uu ka duwan yahay kii hore, isaga oo sheegay in sawirkii ugu horreeyay ee Kacbada Barakaysan laga qaaday uu ahaa sanadkii 1880kii isla markaana la hayo oo aanu wali duugoobin.
Haddaba, dadka Muslimiinta ah ee kala duwan waa in ay Ilaahay uga mahad celiyaan nimcooyinka ballaadhan ee uu ku mannaystay ee ay ka mid tahay dhismaha quruxda badan ee maanta uu leeyahay Xaramku kaasoo ah mid sanad walba la Dayac tiro.