|

Sawir Ay Madaxweyne Siilaanyo Hareero Fadhiyaan Masuuliyiin Qaran Oo Beeshiisa Ah Oo Tafsiir Qabyaaladeed Laga Bixiyey, Doodihii Ugu Badnaana Ka Abuuray Baraha Xidhiidhka Bulshada Ee Internetka

Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Sawir ka mid ahaa sawirradii laga qaaday Xafladdii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xadhiga kaga jaray dhismaha cusub ee aadka u quruxda badnaa ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ay ka muuqdaan Madaxweynaha Somaliland oo ay hareero fadhiyaan Masuuliyiin dawladeed oo culculusi ayaa baraha xidhiidhka Bulshada ee Facebook iyo Twitter saacadihii ugu dambeeyey si weyn loogu falanqeeyey isaga oo sawirkaasi la saaray tafsiir qabyaaladeed oo doodo ka dhasheen.

14202735_298346590521936_3381505065750248872_nSawirkan oo sida aan sheegnay ka mid ahaa sawirradii laga qaaday dorraad masuuliyiinta qaranka iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay Xafladdii Xadhiga lagaga jaray Dhismaha cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta waxa uu muujinayaa qaab fadhigii safka hore iyo safka labaad ee Madashaasi oo ay ka muuqdaan xubno ay ka mid yihiin Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbul Xaakimka KULMIYE Md. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale oo tiro badan kuwaasi oo dadku dareenno kala duwan kaga dhiibteen falanqaynta goobaha bulshadu ku kulanto ee baraha xidhiidhka bulshada ee dhinaca internetka.

Qaar ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee sawirkaasi tafsiirka siyaasadeed ka bixiyey waxa ay ku sheegeen mid muujiyey awoodda beel ka mid ah beelaha Somaliland gaar ahaan beesha Madaxweynaha iyo sababta keentay in qaabkaasi masuuliyiintani isu soo ag fadhiistaan iyada oo in badan oo dadkaasi ka mid ahi ku dheeraadeen in qaab-fadhiga masuuliyiintaasi ahaa mid qorshaysan balse waxa taasi ganafka ku dhuftay in badan oo bulshada dareenkooda ka dhiibtay ahaa oo ku sifeeyey dooddaasi mid qalloocan masuuliyiintanina sifo qaran iyo xilalkooda uun isugu beegmeen ee aanu jirin qorshe qarsoodi ahaa oo borotakool ahaan hannaan hayb ah isugu duway sidan ay u fadhiyaan.

Sawirkan Maxaa ka qaldan?, Waxba Kama Qaldana ee qabyaaladda joojiya!, Maxaa isla soo doontay intan oo masuul ah ee loo waayay qof tarraxa oo aan beeshooda ahayn?, ilama aha in qabyaaladi fadhigooda midaysay ee cunsurinimada masuuliyiinta qaranka loogu ab-tirinayo hala daayo!! Dhammaan tibaaxahaasi iyo kuwo kale oo la macno ahaaba waxa ay ahaayeen kuwo lag bixinayay oo ku lammaanaa sawirkan tafsiirrka siyaasadeed iyo midka qabyaaladeed la saaray oo ahaa kii loogu falanqaynta badnaa 24-kii saacadood ee aan soo dhaafnay dhinaca baraha xidhiidhka bulshada ee dadku ku xidhiidho.

“Isku reernimo ama isku qoysnimo kuma maagayo, ilaahay iidankii may wada walaalo wada dhashay ahaadaan se kaliya waxa aan ku dhalliili karaa waa in ay siddii la rabey oo sinnaan iyo caddaaladi ku jirto ay u gutteen waajibaadkoodii qaran ee ay innoo hayeen. Waxa muhiim ah in aynu ka korno in aynu mas’uuliyiinta ku dhalliilno hayb ay wadaagaan, se waxa aynu ku dhalliilaynaa kaliya ha ku eekaato hawsha qaran ee ay innoo hayaan iyo sida ay waajibaadkooda u gutteen. In iyada oo isku hayb la yahay meel la wada fadhiisto wax ceebaal ah uma arko se waxa ceeb iyo foolxumo ahi waa in qaranka aan looggu shaqeyn sinnaan iyo caddaalad.” Sidan waxa yidhi mid ka mid ahaa dadkii faallada ka bixiyey doodda ka dhalatay sawirkan sida gaarka ah loogala soo dhex baxay boqollaalkii sawir ee xafladdaasi laga qaaday. Mid kalena dadkii doodda ka dhiibtay sawirkani waxa uu kaga tibaax-celiyey sidan: “Dadka oo fadhiga loo kala duwo kuma jirto caddaaladdu, se caddaaladdu waa in wax-qabad sinnaan ah, fulin aan eex lahayn, adeeg aan qalooc ku fadhiyin lala yimaaddo. Sawirkan wax ku jaban ma leh, xitaa miyey hooyo wada dhasho. Waxa aynnu u baahi qabnaa waa wax ka weyn sawir wax lagu qiimeeyo”.

Comments are closed