|

“Sas Kama Qabo Fannaaniinta, Waayo? Waa Dad Sida Wadaaddada Mid Xun Iyo Mid Wanaagsan Laga Helayo….” Wasiir Xilkii & Wasaaradii loo Igmaday aan La Wareegin Waa Wasiirka Wasaaradda Cusub Ee Dhaqanka & Dalxiiska & Caqabadaha uu Wajahayo DAAWO

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cusub ee Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, ayaan illaa hadda la wareejin Xilka Wasaaraddaasi oo ah Wasaarad Cusub oo hadda uun la yag-leelayo.

Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa ahaa Laba Waaxood oo hore uga mid ahaa Wasaaradda Warfaafinta oo dhaqanku ka mid ahaa iyo Dalxiiska oo qayb ka ahayd Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, laakiin hadda ayaa laga dhigayaa Wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, waxaana Wasiir looga dhigay Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ahaa Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Somaliland.

Wasiir Khadar oo aan tan iyo markii la Magacaabay oo ahayd Afartii bishan December aan la wareegin Xilka Wasaaraddaasi, wallow aanay jirin Dhisme u gaar ah Wasaaraddaasi oo la yaqaann.

Wasiir Khadar oo Telefiishanka Star waydiiyey sababta uu xilka ula wareegiyey  inay tahay inaanu jirin dhisme u gaar ah Wasaaradda oo uu Xafiis ahaan ugu shaqeeyo, ayaa ku jawaabay “Shaqaale iyo Gaadiidba way leedahay oo Qaybo dhisan ayay ahaayeen, waa laba qaybood oo laba Wasaaradood ku kala jiray oo la isku soo ururiyey oo Hal Wasaarad laga dhigayo. Marka wasaarad cusub la aasaasayana waxay u baahan tahay Bud-dhig iyo Hawl, markaa Xil-wareejintu waxay noqonaysaa Maalmaha soo socda, hawshana waalla dhamaystirayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sida uu arko in isaga oo Wadaad ah uu Maamulo Bahda Fanka, maaddaama oo Wasaaraddiisu tahay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, “Fannaaniintu waa Dad Islaam ah oo meel fog ma joogaan, waa Dad sida Wadaaddada mid xun iyo mid wanaagsan looga helayo, ayaa iyagana mid Xun iyo mid wanaagsan baa looga helayaa, markaa Sas kama qabo Fannaaniinta, Waayo? Waa Dad wanaag badan leh.”

Wasiir Khadar, waxa kale oo uu sheegay inuu sii wadayo Shaqadii Macalinnimo ee uu ku jiray, isla-markaana isagoo Xilka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska haya uu Macalinnimadiisana sii wadanayo.

Hasa Yeeshee Waaxda Dhaqanka oo Markii Hore Hoos tagi Jirtay Wasaaradda Warfaafinta ayaan haba Yaraatee lahayn Wax Gaadiid ah iyadoon Waaxdani aanay Xitaa Xafiis ku lahayn Wasaaradda Warfaafinta,Dhanka Kale Waaxda Dalxiiska oo hoos tagi Jirtay Wasaaradda Ciyaaraha ayaa Iyana ka aradan Wax Gaadiid ah.

Caqabada Kale ee Wasiirkani Wajahayo ayaa ah In aan Lagu Darin Odoroska Miisaaniyada qaranka ee Shalay ay Ansixiyeen Golaha Wasiiradu Lamana Garanayo Halka ay Xukuumadu Kharashka uga Garooci doonto Maadaama Unkida Wasaaradani ay Ka Danbaysay Mudadii la dejinayay Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2017.

Comments are closed