|

Sarkaalkii Ugu Sarreeyey Al-qaacidada Yemen Oo La Sheegay Inuu Duqayn Cirka ah Ku Dhintay

San’a:June,16,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo waddanka Yemen, waxa duqayn cirka lagu dilay hoggaamiyihii Al-qaacidada dalka yemen Nasser al-Wuhayshi, iyadoo weerarkaasna ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku.

jwaiWarbaahinta Yemen ayaa sheegaya in al-Wuhayshi lagu dilay duqeyn maalintii jimcihii ka dhacday magaalada Koofurta ku taal ee Al-mukalla ee caasimada Gobolka Hadramawt

Waxaa loo arkayay inuu ahaa Hogaamiyaha labaad ee Al-Qaacida, sidoo kale waxaa uu mar noqday xogheyntii gaarka ahaa ee Usama Bin Laden.

Afhayeen u hadlay Al-Qaacida ayaa baraha Internet-ka ka sheegay in in Abu Basir Nasser Al-wuhayshi lagu dilay dalka Yemen, isaga iyo laba xubnood oo ka tirsan Al-Qaacida.

Pentagon-ka Mareykanka ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin, laakiin wararka ugu badan ee laga helayo Yemen ayaa ahaa kuwo looga hadlayay geerida al-Wuhayshi

Amal al-Yarisi oo ah gabadh wariyad u shaqeysa wargeyska Yemen Times ayaa sheegtay ilo aad ugu dhow Al-Qaacida ay u xaqiijiyeen in la dilay al-Wuhayshi.

Haddii ay dhab noqoto geerida al-Wuhayshi waxay noqon doontaa dhabar jabkii ugu weynaa ee Al-Qaacida ku dhaca tan iyo markii Osama Bin Laden lagu dilay Pakistan sanadkii 2011.

Mareykanka ayaa hore hogaamiye al-Wuhayshi madaxiisa dul dhigay lacag dhan 10-milyan oo dollar, cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay, si ay u suura gasho in Cadaaladda la horkeeno.

Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii horaantii sanadkan lagu qaaday Wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo ee ku yaalay magaalada Paris, waxaana wargeyskan hore u daabacay sawir gacmeed lagu aflagaadeeyay Nabi Muxumade (NNKH).

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed