|

Sarkaalkii Ugu Sarreeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Oo La Dilay

Boosaaso,7Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa maanta lagu diley magaalada Bosaso Col. Xasan Shire Amaan oo ahaa taliyaha ciidanka Garoonka diyaadaha ee Bosaso dilka waxaa geystey mid ka mid ah ciidanka ilaalada ee Garoonka diyaaradaha, waxaana dilku ka dhacay albaabka saldhiga garoonka diyaaradaha Bosaso.

Col. Xasan Shire Amaan

Wararku waxay sheegayaan in askeriga dilka geystey uu baxsadey, Askeriga ayaa la sheegayaa in uu ka mid ahaa ciidanka Garoonka laakiin  dhawaan laga ruqseeyey ciidanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. halka dilku ka dhacay waxaa ku sugnaa askar kale oo gaadhaya 7 kuwaas oo aan qaban askariga baxsadey, dhamaantoodna waa la xidhay si loo baadho, sida uu sheegay Taliayaha Ciidanka Booliska Puntland.

Col. Xasan Shire Amaan ayaan lahayn wax ilaalo ah oo u gaar ah, waxaana uu magaalada ku dhexmari jirey isaga oo aan wax ilaalo ah la socon oo keligiisna ah.

Waxaa magaalada ka socda baadhitaanno hor leh, ciidamada ilaalada kontoroolka Boosaaso ayaa baadhitaan ku haya gawaadhida, waxaana lagu raadjoogaa askarigii dilkan geystay ee baxsadka ah.

Col. Xasan Shire Amaaan, ayaa xilkan soo hayey tan iyo sanadkii 2003, xiligaas oo uu Puntland Madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN).

Comments are closed