|

Sarkaalkii u Horeeyay oo ka Tirsanaa Ciidanka Itoobiya ee Gudaha Somalia Jooga oo u Goostay Dhanka Alshabaab

Baydhabo 30.June 2015 (SDN/QJ)- Sarkaal ka tirsanaa ciidammada Itoobiya ee qaybta ah hawlgalka AMISOM ee Somalia oo magaciisa lagu sheegay John, ayaa isu dhiibay dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii uu ka baxsaday saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansaxdheer oo ka tirsan Gobolka Bay habeennimadii Axadda.

sarkaalka Itoobiyaanka ahSarkaalka baxsaday ayaa la sheegay inuu socad ku tagay degaanka Ufurow oo qiyaastii degmada Qansaxdheere u jirta 18-km, halkaasoo ay ku sugan tahay xoogagga Al-shabaab, iyadoon la ogeyn sababta ku kelliftay askariga ka tirsanaa ciidammada AMISOM inuu isku dhiibo kooxdan oo dagaal ka dhexeeyo.

Guddoomiyaha Degmada Qansax-dheere Mr. Aadan Cabdi Qooqane, ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkani yahay midkii ugu horreeyey oo ka tirsan ciidamada ka socda Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo u gala kooxda Al-shabaab.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in sarkaalka baxsaday uu dhinaca saadka qaabilsanaa ciidammada AMISOM ee ku sugan degmada Qansax-dheere, iyadoo la caddeeyey in sarkaalkaasi hadda ku sugan yahay hadda degmada Ufurow oo gacanta ugu jira Al-shabaab.

Wararku waxay intaas raacinyeen in sarkaalka ka baxsaday ciidanka Itoobiya degaanka Ufurow loo sii dhaafiyey dhinaca degmada Diinsoor oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Bay.

Sarkaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ee isu dhiiba kooxda Al-shabaab oo dagaal qadhaadh u dhexeeyo.

Baydhabo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed