Sarkaalka Ugu Sarreeya Ciidanka Kenya Oo Kismayo Ka Degey Iyo Ujeeddada Socdaalkiisa
Kismayo:25-Dec-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ku waramaya in shalay uu halkaasi gaadhay Taliyaha ugu sareeya ciidamada Milatariga dalka Kenya Gen.Julius Karangi.
Taliyaha ayaa ka soo dagay Garoonka Kismaayo isagoo mid mid u gacan qaaday Ciidamada Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
Gen.Julius Karangi ayaa booqday xarumaha ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Kismaayo isagoo la hadlay qaar kamid ah saraakiisha Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka soconaya halkaasi.
Lama hubo waxa uu salka ku hayo socdaalka taliyaha Ciidamada Kenya laakiin waxaa la rumeysan intani ay qeyb ka tahay qorsha ciidamada Kenya ay ugu balaadhinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Taliyaha ayaan sidoo kale la sheegin inuu ka noqday magaalada iyo in kale, waxase uu si xoog leh u indho indheeyey isbeddelka magaalada ay ciidankiisu ku soo kodhiyeeen iyo hannaanka Nololeed ee halkaas ka jira.
Waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee Kenyan ah ee Magaalada Kismayo taga tan iyo intii ciidanka Kenya Gudaha u galeen Somalia, waxana haatan ciidankani ka mid yihiin kuwa Amiso hoos taga.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com