|

Sarkaal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Katirsan Oo Xafiis Ka Furanaya Hargeysa Iyo Moogganaanta Xukuumadda

Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Mudane Cabdi Baaruud oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, isla-markaana si gaar ah ugu magacaaban Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalalka DIbaddda, ayaa qorshaynaya inuu Xafiis ka furta Magaalada Hargeysa Toddobaadyada Soo Socda.

buuloMasuulkan ka tirsan wasaarada arimaha dibada dalka Somaliya ayaa dhawr goor oo is xig xigta yimid dalka, waxaanu markii ugu danbaysay  ka qayb galay carwadii bandhiga buugaagta ee ka dhacday magaalada Hargeysa.

Xukuumada somaliland ee hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ayaan wax talaabo ah ka qaadin masuulkan ka tirsan wasaarada arimaha dibada somaliya ee dhawrka goor ee is xig xigta yimid wadanka somaliland.

Masuulkan lagu magacaabo Cabdi Baaruud ayaa aad loogu tilmaamaa inuu si weyn uga soo hor jeedo qadiyada madax banaanida somaliland, isaga oo inta badan wadamada ay xidhidhka la leedahay wasaarada uu ka hawl galaa ka codsada inaan marna la aqoonsan somaliland.

Masuulkan oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ka soo dego Madaarka Hargeysa isagoo markuu yimaadana la sheegay inuu kulamo kala duwan la qaato xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada somaliland.

Masuulkan Lala Xidhiidhiyey inuu u ololeeyo  Mabda,a Somaliwayn ayaa Imaanshihiisa Hargeysa ay Salka ku Haysaa Xidhiidh ay Leeyihiin, wasiiro ka tirsan xukuumada  iyadoo xiliyo kala duwana uu safaro ku yimid somaliland waxaana la tilmaamaa  inuu kalsooni  iyo Isku Halayn uu  ka Haysto Madaxtooyada somaliland waxaanay Arintani ku soo Beegmaysaa iyadoo Xiligan uu Jiro Loolan Salka Ku Haya Dhinaca Awood Qaybsiga Xisbiga Kulmiye, kaas oo u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed