Sarkaal Sare oo Hada Iska Casilay Xisbiga KULMIYE+ Sababaha Iscasilaadiisa oo uu Badka Soo Dhigay DAAWO
Hargaysa 11. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyahii degmada Maxamuud Heybe ee xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Md.Axmed Cabdi Cismaan (Dubbad), ayaa Maanta iska casilay xilkii iyo xubinimaddii uu ka hayey xisbigaasi KULMIYE, waxaana uu sheegay in xisbigaasi yahay xisbi aan lagu kalsoonaan karin isaga oo carabka ku dhuftay in uu xisbigaasi uu yahay xisbi kala qoqoban isla mar ahaantaana dadka ku jiraa ay u kala fadhiyaan reer reero.